Sanaag: Taliyaha Qaybta Booliska oo ka hadlay Xalinta Hawl ka Taagneyd deegaanka uu ku yaalo Dugsiga Hoyga ah ee Dayaxa

0
100

Ceerigaabo (Dawan) Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska ee gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay xalinta laba beelood oo isku Maan-dhaafey deegaanka uu ku yaalao Dugsiga Boodhinka ah ee Dayaxà.

Sidoo kale taliyuhu waxa uu xusay in nawaaxiga dugsiga lagu soo durkay, isla markaana hadda xal laga gaadhay, waxa uu intaas ku daray inay soo saareen qodobo u ah soo afjarista ismaadhaafka ka dhashay dugsigan agagaarkiisa.

Geesta kale waxa uu sheegay in aanay jirin wax nabadgelyaddaro ah oo ka jirta nawaaxiga dugsiga Hogya ah ee Dayaxo, waxa uu tilmaamay in ay tahay goob waxbarasho isla markaana hubku mabnuuc ka yahay, waxaanu caddeeyay in ay ciidamado kaga tagi doonaan suga abniga dugsigan.

Taliyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in bulshada ku nool nawaaxiga dugsiga hoyga ee Dayaxa ay la qaateen in nabadgelyo lagu wada noolaado, waxaanu bulshada ku ammaanay sida ay u aqaateen wixii ay dowladdnimada ku fareen, waxa uu intaas raaciyay in sababta ay ciidanka uga tageen ay tahay inay fulaan amarada la kala qaatay.

Waxaanu yidhi. “Lama maqli karo nabadgelyo darro ka dhici karta dugsiga hoyge Dayaxa, haddana kama jirto, nawaaxiga iskuulku waa meel arday iyo macalimiini isugu imanayso madhici doonto qori wax la yidhaahdo in lagu arko, qofka lagusitaana ha ogaado inay mabnuuc tahay, waxa jira ciidama hubbinaya, waa inay noqota meel nabdoon”