“Waan Hubaa in Maraykanku Aanu Xasan Sheekh Ka Dhegaysan Doonin Borobagaandada” Guddoomiyaha UCID

0
230

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu been ka faafinayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha UCID Farriin uu ku daabacay bartiisa X(Twitter)ka wuxuu ku sheegay in dawladda Maraykanku aanay dhegaysan doonin borobagaandada Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka guuldaraystay ee Soomaaliya oo wefti Maraykan ah kula kulmay Koontiinar ku yaalla xerada Xallane, ayaa faafinaya borobagaande ka dhan ah haddii la ogolaado meelmarinta heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya inay ka dhallan doonto dagaallo jihaad ah oo lala galo Itoobiya, taasi oo waxba kama jiraan ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxaannu intaas ku daray “Waxaan hubaa in dawladda Maraykanku aanay Xasan Sheekh ka rumaysan doonin beentaas.”