Ceel Biyood laga Hirgeliyay Degaanka Dhaboolaq ee Degmada Fara-weyne

0
109

Dhaboolaq (Dawan) Maamulka Degmada Fara-weyne, Culimo Awdiin, iyo masuuliyiin kale ayaa si wada jira xadhiga uga jaray Ceel-biyood laga hirgeliyey Deegaanka Dhaboolaq, oo hoos yimaada degmada Faraweyne ee gobolka Maroodijeex.

Ceelkan xadhiga laga jaray ee laga hirgeliyay degaanka Dhaboolaq, waxa degaankaasi ugu deeqday Saynab Saciid Ibraahim oo kamid ah qurba joogta reer Somaliland.

Culima-awdiinka iyo qaar ka mida bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa munaasibadii xadhigga lagaga jaray ceel-biyoodkan hadalo ka jeediyay, waxaanay dhammaantood mahad naq iyo ducaba u soo jeediyeen Marwo Saynab oo iyadu bixisay ceelkan waqafka ag, waxaaney ALLE uga baryeen in uu miisaanka xasanaadka ugu daro.

Sidoo kale bulshada degaanka Dhaboolaq ayay masuuliyiintii ka hadlay xadhig ka jarka Ceel-biyoodku ay ku adkeeyeen in ay ilaashadaan, waxaaney ku wargeliyeen in dhammaantood ay ka dhaxayso.

Midka mida bulshada degaanka Dhaboolaq oo ka hadlay madashii xadhig ka jarka ceel biyoodkan, ayaa sheegay in muddo yar ka hor ay meeshani ahayd bannaan dadka iyo xooluhuba dhaafayeen, balse nimcada hadda taala aanu dooxa Dhaboolaq haysan, waxaaney marwadii hirgelisay ILLAAHEY uga baryeen in uu miisaanka xasanaadka ugu daro, waxaa uu intaas ku daray in Ceelkani yahay hanti degaanka oo dhan u sameystan ee aanu ahayn mid cidgaari leedahay.

Xoghayaha degmada Faraweyne Axmed Maxamed Sheekh Nuux, waxa uu sheegay in ay ka maamul ahaan uga mahadcelinayaan Marwadii Ceel-biyoodkan ula baxday sadaqada, waxaanu kula dardaarmay bulshada degaanka Dhaboolaq inay si iskumid ah uga wada faa’idaystaan, waxa uu intaas ku daray in degaanada hoos yimaada degmada Faraweyne ay oomane u badan yihiin, isla markaana aanay dooxyo lahayn, barkado lahayn iyo Riigag-biyood midna, waxaanu cod dheer kaga dalbaday xukuumadda JSL, dadka Muxsiniinta ah ee sadaqada la baxa in sannadkan 2024-ka loo baahan yahay in degmada Faraweyne biyo hesho.

“Waxa aynu goobtan u inimid ceelkan oo ay innoogu deeqday Marwo Saynab, waxa ay jeclaysatay inay ceelkan sadaqadaysato, waxa aynu og nahay guud ahaan saqadu fadliga ay leedahay, waxa aynu og nahay baahida degaanka taala ee biyahan loo qabo,”Ayuu yidhi mid ka mid ah cula awdiinkii meesha ka hadlay.