Madaxweynihii hore ee Tanzania Julius Nyerere ayaa taallo loogu sameeyay bannaanka hore ee xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Nyerere ayaa dalka haatan loo yaqaan Tansaaniya u hogaamiyey xornimadii wuxuuna xukumayey 1961 ilaa 1985kii.
Waxaa loo yiqiin Macallinka, waxa uu ahaa nin Afrikaan ah oo u heellan xorriyada Afrika waxaanu martigeliyay dagaalyahannadii xornimada ee ka soo horjeeday xukunkii caddaanka tirada yar ee koonfurta Afrika.
Waxa uu door muhiim ah ka qaatay abuuritaanka Ururka Midowga Afrika(OAU), markii dambena noqday Midowga Afrika(AU).
Xafladii daahfurka taaladan ay ka soo qayb galeen madax badan oo Afrikaan ah, hogaamiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa yidhi: “Dhaxalka hoggaamiyahan cajiibka ah wuxuu koobayaa nuxurkii fikradii Pan Africanism, xigmado qoto dheer, iyo u adeegida Afrika.”
Waxa uu dib u xasuustay hadaladii Nyerere uu ka jeediyay shirkii ugu horeeyay ee OAU ee 1963. Oo uu yidhi “Qaaraddeenu waa mid, dhammaanteenna waxaan nahay Afrikaan.”
Markii uu noqday ra’iisul wasaaraha dalka Tanganyika 1961 kii, shaqadii ugu horeysay ee uu qabtay waxay ahayd inuu mideeyo dalka cusub, oo ka kooban in ka badan 120 qawmiyadood oo kala duwan, oo ay ku jiraan Carabta, Aasiya iyo Yurubta laga tirada badan yahay.
Waxa uu ku guulaystey in uu taas sameeyo, wuxuu kor u qaaday isticmaalka sawaaxiliga oo ah luuqad guud iyo aragtidiisa ahayd Qoysnimo isaga oo u jeeda dadkiisa kala duwan.
1964kii, Tanganyika waxay la midowday jasiiradaha Zanzibar si ay u dhisto Tansaaniya.
Ka dib waxa ay noqotay dawlad xisbi kaliya ka kooban. Nyerere waxa uu difaacay maqnaanshaha doorashooyinka xisbiyada badan isagoo ku dhawaaqay in Tansaaniya ay haystaan xoriyad aad uga badan intii ay waligood ku heli jireen gumaysigii Ingiriiska, iyo in nidaamka hal xisbi uu muhiim u yahay xasiloonida.
Nyerere oo caan ku ah qaab nololeedkiisa suubban, waxa uu isku dayay in uu abuuro bulsho siman oo ku salaysan beeralay iskaashato ah – taas oo macnaheedu yahay beeralaydu umay shaqayn beerahooda gaarka ah balse waxay ka wada shaqaynayeen dhul ay wada leeyihiin.
Waxa uu rabay in Tansaaniya ay noqoto mid isku tashata, halkii ay ku tiirsanaan lahayd kaalmada shisheeye iyo maalgashiga.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ugu weyn dalka ayaa loogu magac daray, sidoo kale waxaa jira wadooyin badan, buundooyin iyo garoomo badan.
Intii lagu jiray 1970-meeyadii, Nyerere wuxuu u ololeynayay dawladaha reer galbeedka si ay u qaataan mawqif adag oo ka dhan ah xukunka dalalkii la haystay ee Rhodesia, Zimbabwe, iyo Koonfur Afrika, waxayna ay taageereen kooxaha hubaysan ee la dagaallamaya maamuladaas.
Nyerere waxa uu aad uga soo horjeeday eryidii lagu eryay dadka Aasiya ee ku nool dalka dariska la ah Uganda ee Idi Amin sanadkii 1972. Xidhiidhku wuu sii xumaanayay todoba sano ka dib, Nyerere waxa uu ciidankiisa u diray Uganda si uu Amin uga saaro.
Wuxuu ahaa macalin la tababaray, wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee Tanganyika ah oo wax ka barta jaamacada Ingiriiska, markii uu waxbarasho u aaday Edinburgh 1949-kii.
Wuxuu dhintay 1999-kii, isagoo 77 jir ah, sannad-guuradii dhimashadiisa, 14 Oktoobar, waa maalin fasax dadweyne ah.
Nyerere waa hogaamiyihii 3-aad ee lagu sharfo taallo bannaanka ka ah xarunta Midowga Afrika, ka dib aabbihii Ghana ee aas aasayaasha iyo Afrikaantii Kwame Nkrumah, iyo Imbaraadoorkii Itoobiya Haile Selassie, oo astaan u noqday qaranimada Afrika, isaga oo iska caabiyay isku daygii Talyaanigu ku doonayay in uu ku gumeysto dalka 1930-meeyadii, ka dibna lagu heshiiyey in la martigeliyo OAU.