Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibedda Denmark iyo hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Denmark.
Wasiirka iyo daneeyayaashan horumarinta Somaliland ayaa kawada hadlay mashaariicda horumarineed dalka Denmark ka taageero Somaliland, iyo sidii loogu salayn lahaa mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad.
Sidoo kale intii kulankaasi socday waxa lagu lafa-guray siidii looga wada shaqayn lahaa korna loogu qaadilahaa mashaariicda wax lagaga qabanayo isbadelka cilimada, ka hortaga abaaraha iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Somailand iyo Denmark.
Geesta kale waxa uu wasiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka Somaliland kulamo la qaatay toddobaadkii ina dhaafay hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee (UNICEF), World Vision iyo Concern World Wide.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland ayaa ku hawlan dardar gelinta horumarinta hawlaha qaranka hor-tabinta u leh, waxaaney si joogta ah kulamo wada tashi ay ula yeelata daneeyayaasha horumarinta Somaliland.