Gaadhi Boolis oo lagu Wareejiyay Guddoomiyaha degmada Lughaya

0
65

Borama (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo taliyaha qaybta booliska gobolka gashanle sare Cabdi Khayre Dugsiiye (Araweelo) ayaa gaadhi cusub ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Lug-haya ee  Cabdillaahi Awnuur Dixood.

Gaadhigani ayaa loogu talagalay inay ku hawl galaan ciidamada booliska ee ku sugan saldhiga degmada Lug-haya kuwaasi oo baahi weyn u qabay gaadhigaasi.

Masuliyiintani oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay taliyaha ciidanka booliska Somaliland iyo sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shaqada Ciidanka Booliska Degmada Lughaya ee gobolka Salel ay u hayaan bulshada ayaa uu door muhiim ah ka qaadan doonaa gaadhingani.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in wakhti haboon la soo gaadhsiiyay gaadhigan maadaama ay Degmadu tahay mid balaadhan loona baahan yahay in si adag looga shaqeeyo adkaynta nabadgalyadda iyo xasiloonida Degmada.

Gaadiidku waa laf dhabarta ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska Somaliland kaasi oo ay ugu adeegaan bulshadooda.