Wasiirka arrimaha Gudaha JSL oo Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland

0
81

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland oo dalka soo gaadhay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan shalay xafiiskiisa kula qaatay Nikolia Rogosaoff oo ah Wakiilka cusub ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd   is barasho ahaa waxaa ku wehelinayey Wakiilka cusub masuulkii xafiiska ugu  horeeyey Simon Strachen.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha waxaa kulankan ku wehelinayey duqa Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil iyo Masuulin kale.

Qaramada Midoobay ayaa Somaliland ka taageerta dhinaca horumarka, sidoo kalena waxa jira xidhiidh adag oo ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Wakiilka cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland ayaa la filayaa inuu shaqadiisa ka bilaabo Hargaysa, waxaanu kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiinta dalka si ay uga wada hadlaan hawlaha shaqo ee horyaal.

Gebo’gabadii Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyay wakiilka cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland