Guddoomiyaha Ceel-afweyn ee Wasaaradda Ciyaaraha oo ka Hadlay Ciyaaro uu Joojiyay

0
48

Ceel-afweyn (Dawan):- Guddoomiyaha wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Degmada Ceel-afweyn  (Faarax Cabdi Cali).,ayaa sheegay in uu joojiyay ciyaaro uu sheegay in aanay dan u ahayn degmada isla markaana lagu kala qaybinayo bulshada.

Waxaanu yidhi.” Waxaan sugayaa,inay sawir kusii galeen .garoon kamida garoomada gaarka loo leeyahay ee degmada Clafweyn ,ayna sawirkaa,kujilayeen 3 sadex darsin oo garamaan ah iyo wax la halmaala ,sida ku cad sawirka aad baraha bulshada ku aragtaan.

  1. Markay ii cadaatay in xaalku yahay igu sawir iyo iarkaay imaqlaay,keliya.
  2. Markaan arki waayey, dan ugu jirta ciyaartoyga degmada iyo bulshada ceel afweyn. 3. Markaan arkay inay arintani iska horkeeni karto,dhalinyarada degmada.
  3. markaan arkay inay xaalada ceel afweyn baasinka kusii shubi karto,horseedina karto Nabad gelyo daro,kala qaybsani iwm.
  4. Markaan eegay maslaxada guud ee degmada ceel afweyn, arkayna inaanay dani ugu jirin is qab qabsi dhalin yaro.
  5. Markaan tix geliyay tashigii aanu hore uga galnay maamulka degmada ,koob ciyaareedada , aanuna isla qaadanay, inaanay ku haboonayn suur tagalna aanay ahayn wakhtigan ,anagoo eegayna ,wacyiga iyo curfiga degmada.
  6. Markii lai sheegay, in deeqda siyaasadaysan, ee dhalin yaradii halkaa,kusugnayd ,ay sawirka dideen.
  7. Markaan qimeeyay muranka ka dhashay ,00 qaar kamida dhalinyaradu ku murmeen 9. Markay i cadaatay inaanay natijo bulshayn ciyaartoy ka dhalanayn. 10. Markaan sameeyay tashi kala duduwan.

Waxaan go,aamiyay in aan degmada ceel afweyn lagu qaban karin koob ciyaareed aan ogolaansho looga haysan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL,cidkastaaba,ha qabsanaysee.

Ugu danbayn xubnahaa kasocday xisbiga wadani waxaan leeyahay degmada ceel afweyn kabalaadhan meel loogu soo talo galo 3 sadex dersin oo garamaan ah,siyaasadaysan,oo sawir lagu doonayo.”