Dhaqanadii Dagaal Ogayaasha Caalamka!

0
72

Tafatire ka tirsan wargeysada Maraykanka midkood aya sadex hogaamiye oo dagaalkii labaad dalalkii ka qayb galay xukumayay sifooyinkooda soo bandhigay. Madaxweynihii Maraykanka  ee waagaasi Franklin Delano Roosevelt  ayuu ku sheegay inuu ahaa mid aad u caba khamriga iyo sigaarka isla  markaana aaminsanaa dadka faaliyahaasha ah.

Waxa kale oo isagana tilmaamo ka bixiyay ra’iisal wasaarihii Ingiriiska ee wakhtigaasi Sir.Winston Churchill oo uu sheegay inuu ahaa nin seexda gelinka danbe , khamriga aad u cabba, oo dugsiga ku caadaysaytay cabsita xashiishdaa. Iyadoo arinkaasi awgeed laba jeer shaqo uu hayay looga eryay.

Hogaamiyihii  Jarmalka Adolf Hitler ayuu isagana ku sifeeyay inuu lahaa tilmamaahan “ wuxu ahaa nin khudradda cuna, isla markaana ahaa geesi, isago taasi ka gaadhay halka ugu saraysa geesinimo.  Weligii muu cabin Sigaar, mana cabin khamri wax yar mooyee oo ah wakhtiyada munaasabadaha. Hitler wuxu ahaa ayuu yidhi nin aan weligii khiyaamayn gabadhiisa. Waana sababta uu kaga duwana ugana geesinimo badnaa madaxda dunida kale. Waxaana uu tilmaamaya inuu ahaa nin fikir badan oo doonaya inuu hogaamiye  hormood ah noqdo.