Waayo-Aragnimadu Waa Muhiim!

0
69

Markii ay tuugtu gashay Baanka Koangcho ee China markiiba mid ka mid ah ayaa ku dhawaaqay  isagoo u digaya dadkii Baanka ku jiray erayadan: “ Ha is dhaqaajinina, lacagta Dawladda ayaa leh idinkuna naftiina ayaad leedihiin, dhulka daata, qofna yaanu kor eegin” . Gabadh shakiday ayuu ku yidhi “ Is deji maaha hawlgal kufsi waa mid tuugo ah “.

Markii tuugtu ku noqdeen xaruntoodii ee ay qaateen hantidii Baanka, tuugta ninkii ugu yaraa oo shahaadada Masterka ah ee dhinaca maamulka haystay ayaa ku yidhi hogaamiyiha tuugta “ Hogaamiye inoo keen aan lacagtii tirsanee! “.

Hogaamiyaha tuugta ayaa isaguna ugu jawaabay: “ Nacas baad tahay , waxay qaadanaysaa tirintu wakhti dheer”,  Mar dhow ayaynu ka maqlaynaa cadadkeeda warbaahinta ha degdegin.

Habeenimadii ayay wakaaladaha wararka oo dhami sheegeen in lacag dhan 100 mliyan Bank Koangcho tuugi ka dhacday maanta. Waa taasi waaya aragnimadu, wiilka yare ee aqoonta Masterka gaadhay waxay ahayd markii uu horaysya ee uu ka aybgalo fal noocaan ah, laakiin hogaamiyaha tuugta oo fasalka 6aad kaga tegay dugsiga ayaa aqoon u lahaa mudadii uu tuugada ku jiray awgeed sida lagu ogaado tirade hadba lacagta laga dhaco goobaha iyo shakhsiyaadka caanka ah.