Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka Qaaday Badhasaab ku xigeenkii Selal, Mid Cusubna Magacaabay

0
70

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday badhasaab mu xigeenkii gobolka Selel Cabdirashiid Cabdilaahi Hande. Waxa kaloo uu magacaabay badhasaab ku xigeen cusub.

Sidaasna waxa lagu sheegay wareegto madaxweyne oo uu shalay soo saaray, kuwaasi oo isugu jirtay xil ka qaadis iyo magacaabis waxayna u qornaayeen sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Selal ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay masuul cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- “Madaxweynuhu wuxuu xilkii ka qaaday Cabdirashiid Cabdillaahi Handi;Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Selal.

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu wareegtada magacaabista ah ku yidhi “Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu hanan karo Masuuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;In Xuseen Iidle Barkhadle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”