Cajiib: Taariikhda Maalinta Shaqaalasha!

0
57

Sanadkii 1886 bishii May 01, magaalada Chicago ee  dalka Maraykanka waxa mudaharaad ballaadhan  ka sameeyay shaqaalihii magaalada iyagoo codsanayay in saacadaha shaqada laga dhigo 8 saacadood. Banaanbaxaasi ayaa socday muddo 4 maalmood, duqa Chicago ayaa shaqaalaha la kulmay oo u balan qaaday in arinkaasi wax laga qabano doono oo iyana ay joojiyaan banaabax.

Laakiin markii uu Duqa ka tegay kulankaasi la isku fahmay waxa goobta yimi Booliiska oo xoog isticmaalay , buuqaasi markuu uu bilaabmay waxa qarxaday bamboo weyn oo dad ku dhinteen oo aan la garanayn cidda tuurtay ama riday.

Maalintii labaad dhamaan wargeysyada waxa ku soo baxay cinwaano muujinaya in shaqaaluhu ay doonayaan fawdo iyo fasahaad Chicago ka dhaca, inta badan wargeysyada waxa iska lahaa dabaqada laga cabanayo ee wershadlayda iyo maalqabeenada.
Hogaamiyayaashi shaqaalaha ayaa la xidhay iyadoo lagu eedeeyay inay iyagu tureen Bamkaasi gacanta, maxakamduu 7 ka mid ayay ku xukuntay dil toogasho ah, inkasta oo markii danbe loogu bedelay xabsi ilaa iyo inta ay ka dhimanayaan ah. Laakiin markii midkood isku dilay jeelka dhexdiisa aya mar kale iyagana lagu fuliyay deldelaadii oo dhamaantood la wada dilay.

Markiii arinkaasi dhacay 11 sano ka dib ayuu taliyaha ciidamada Booliiska ee halwgalakaasi hogaaminayay oo hawlgaba noqday , maalmihii noloshiisa ugu danbeeyay oo ku jira xanuunkii uu ku dhintay ayaa qiraal rasmi ah sameeyay waxaana uu yidhi “  “ booliiska ayu ahaa kuwii tuuray bamkaasi shaqaalaha lagu eedeeyay” Qiraalkaasi ayaa ruxay quluubta shaqaalaha Maraykan sida uu u ruxay dhamaan quluubta shaqaalaha aduunka. Taliyaha ayaa dalbaday in maxkamdda dib loogu noqdo lana sugo in aanay shaqaalahu denbi lahayn.  Sidaasi ayaa maalinta bisha May u horaysa loogu aqoonsday maalinta shaqaalaha aduunka.