Wasaaradda Dastuurka JSL, oo Shirkadaha Daabacaadaha Kala Shirtay Sidii Loo Sixi Lahaa Astaanta Qaranka

0
90

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL waxa ay kullan la qaadatay Shirkaddaha Daabacaaddaha dalka.

kullankaas ayaa lagaga wada hadlayay sidii la isula sixi lahaa Astaanta iyo Calanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay badi daabacaan shirkadaha daabacaadaha dalku.

Kullankan ayaa waxa Iba furay Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf waxaanay sheegtay inay waajib qaran tahay in la daabaco Astaanta iyo Calanka saxda ee Qaranka Somaliland, balse la hubiyo marka la daabacayo, oo ay tahay waajib saran shirkadaha daabacaada dalka.

Maareeye ku xigeenka Madbacadda Qaranka Mudane Cabdicasiis Jaamac Cali ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta Astaamaha Qaranka iyo calanka Somaliland, waxaanu ku booriyay shirkaduhu inay xil iska saaraan hubinta astaanta iyo calanka saxda ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa iyaguna kullanka door weyn ku lahaa shirkaddaha daabacaaddaha oo sheegayna inay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan wacyigelinta ilaalinta Astaanta iyo Calanka, weliba xiligan lagu jiro u diyaar garowga xuska 18-ka may.

Waxaanay sheegeen inay ka feejignaan doonaa qalad ku yimaada calanka iyo staanta saxda ah ee Somaliland xiliga lagu gudo jro u diyaar garawga munaasibada Qaran ee 18 May oo ay bulshada badankeedu ku labistaan calanka iyo astaanta dalka.

Ugu danbayna Agaasimaha waaxda ilaalinta Astaamaha Qaran ee wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Ibraahim Qardhaawi iyo lataliyaha wasiirka ee Arrimaha Sharciga Yuusuf Cali Xasan ayaa halkaa ka soo jeediyay Calanka iyo Astaanta saxda ah iyo Furre lambaradooda kulana dardaarmay shirkaddaha daabacaadduhu inay isticmaalaan.

Kullankan waxa soo diyaarisay Waaxda Ilaalinta Astaamaha Qaranka ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.

Gebogabadii madaxda wasaaradda Dastuurka Somaliland iyo shirkadaha daabacaadaha dalka ayaa isla qaatay in lagu dedaalo sidii loo ilaalin lahaa astaanta iyo calanka saxda ah ee Somaliland, sidoo kalena laga wada shaqeeyo wixii saxitaan ah ee loo baahdo.