Madaxwaynaha Somaliland Wuxuu Amray in Suuqii 26-ka Juun aan la Rarin” Wasiirka Hawlaha Guud

0
78

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ku bixiyay in aan la rarin, lana baabi’in Suuqa Gobonimo, oo dhawaan ay dawladda hoose ee Hargaysi ku dhawaaqday in ganacsatada laga rarayo.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud dhulka iyo guryaynta Somaliland Musfate Maxamuud Cali Bille oo shalay (shalay) oo Suuqa Gobonimo ku booqday bulshada halkaasi ku ganacsata oo iyagu ka gadooday, amarkii dawladda hoose ee Hargaysi ay ku sheegtay inay rarayso ayaa ugu bushaareeyay in Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu amray in Suuqa Gobonimo uu sidiisa ahaado oo aan laga rarin ganacsatada iyo dadka wax ku iibiya.

Wasiirka Hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

“Waxaanu aanu ka raaligalinayaa qof kasta oo hawlgalkii dhacay ee suuqan lagu banaynayay dhibi ka soo gaadhay ama ay hanti kaga luntay, aad iyo aad baanu ugu raaligalinaynaa waanan ka xunahay.

Intaa kadib waxan idiinku bishaaraynayaa dadwaynihiina ku ganacsada suuqa Xisbiga, bishaaro wanaagsan Ayaan maanta idiin sidaa, bishaaradaasi waxa weeyi, Madaxwaynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu amray, ku dhawaaqay in suuqaasi sidiisii ahaado, in aan cidna laga rarin, in aan degmo cusub laga dhisin, in dadkii joogay ay ku ganacsadaan”.

Wasiirka Hawlaha guud ayaa intaasi ku daray in ay shacabka Suuqa Gobonimo ay I dejiyaan oo ay goobahoodii ku noqdaan, waxaanu u sheegay in aan Suuqaasi laga dhisayn xarunta Degmada 26-Juun oo ay hore dawladda hoose u sheegtay in laga dhisayo.

Wasiirka Hawlaha guud,dhulka iyo Guryaynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bille oo barxada suuqa Gobonimo kula hadlayay ganacsatada suuqaasi ayaa ugu baaqay inay amniga ilaaliyaan oo ay dawladooda la shaqeeyaan, waxaanu ku booriyay inay wixii dhacay iska ilaawaan oo ay la shaqeeyaan dawladda hoose ee Hargaysa.

Wasiirka ayaa ugu baaqay guddida suuqa Gobonimo inay ka shaqeeyaan nidaamka suuqa oo ay ka digtoonaadaan cidii hadda rabta inay meel ka samaysato suuqa oo aan hore ugu jirin bulshada suuqa ku ganacsata.

Wasiirka Hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Somaliland ayaa waxa uu raaligalin ka siiyay qof kasta oo ay dhibaato ka soo gaadhay hawlgalkii ay dawladda hoose ee Hargaysa ay ku banaynaysa suuqa Gobonimo ama ay hanti kaga luntay.