Wax ka ogow nuxurka Qodobadda mihiimka ah ee lagu soo daray Ajandaha Kal-fadhiga 84-aad ee Guurtida JSL

0
65

Hargaysa (Dawan) Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somalialnd, oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha, Mudane Siciid Jaamac Cali, isla markaana ay ka soo xaadireen inta badan muddaneyaasha golaha, ayaa markii uu furmay fadhigii, waxaa uu mudaneyaasha ku wargeliyay in loo qaybin doono ajandaha Kalfadhiga 84-aad oo qodobo xasaasi ahi ku jiraan.

Sidoo kale waxa uu faray in ay maalinta barri ah soo akhriyaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo salaasadana ay soo xaadiraan.

Ajandaha Kalfadhiga 84-aad ee golaha guurtida oo ka ah ka ay ku shaqayn doonaan mudaneyaashu inta uu goluhu gudanayaano waajibaadkiisa Dastuuriga ah, ayaa ka kooban 12 Qodob, balse waxa jira qodobo ku cusub.

Isu’socodka siyaasada iyo xaaladaha ka soo kordhay geeska Afrika, ka qayb galka ictiraaf raadinta labada gole, u kuurgalka iyo xog ogaal u noqoshada halka ay mareyso biyo balaadhintii caasimada Hargeysa, xog-ogaal u noqoshada halka uu marayo xannuunka shuban biyoodka, sameynta laababkii baadhitaanka cudurada kala duwan ee bulshadu dibedda u tagto, helitaanka dhakhaatiir takhasus ah, sameynta xeerkii lagu horumarinlahaa caafimaadka, xeerka guud ee caafimaadka, xeerka dhakhaatiirta, xeerka kalkaaliyaha caafimaadka, xog ogaal u noqoshada xaalada guud ee uu ku sugan yahay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, curinta xeerka dhaqanka iyo anshaxa suuban.

Ansixinta xeerarka horyaala golaha oo kala ah, xeerka madax dhaqameedka, xeerka garyaqaanka guud, xeer hoosaadka labada gole.

Sidoo kale u yeedhista masuuliyiinta Qaranka ee kala ah, maareeyaha hay’adda madaarada iyo guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka.