Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Beeniyay in uu Hoos u Dhac ku Yimi Shaqada Marsada Berbera

0
71

Hargaysa (Dawan) Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in hoos u dhac uu ku yimi badeecadihii ka soo degi jiray dekeda Berber tan iyo intii uu dhacay dagaalka Laascaanood.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo ku sugan magaaladda Hargaysa ayaa wax laga waydiiyay wararka sheegay in hoos u dhac uu ku yimi badeecadihii mari jiray dekeda Berbera, waxaanu Maareeyuhu cadeeyay in aanay jirin wax hoos u dhac ah oo ku yimi shaqada iyo badeecadihii kazoo degi jiray dekada Berbera.

Mareeyaha Dekedaha Somaliland ayaa sheegay in badeecadihii ugu gudbi jiray gobolada Bariga Somaliland ay sidoodii yihiin oo ay Ceerigaabo maraan.

Waxaanu Maareeyuhu xusay in markii hore badeecadaha halkaasi tagi jiray ay ahaayeen kuwo kooban, haddana ay sidii awalba u tagi jireen ay u tagaan.

Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

“arrintaasi wax ka jiraa ma jirto, agabkii mari jiray imikana way maraan oo Ceerigaabo ayay maraan, wax dhibaato ah oo uu dagaalka Laascaanood ku keenayna ma jiro, waa warar been abuur ah, waxba kama jiraan, inta tagtaab aad bay u yaraan jirtay, imikana intii tagi jirtay way tagtaa oo wadada Ceerigaabo ayay martaa, waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo nala ganacsanaysa Jamhuuriyadda Somaliland.

Marsadda magaaladda Berbera ayaa ka mid ah Dekedaha ugu waawayn Bariga Afrika, taasi oo hadda ay ku soo xidhaan Maraakiib caalami ah oo sida shixnadaha ugu waawayn dunida.