Hooyo Gurigii ay daganaayeen u Xaraashtay Wiilkeed oo Magafe haysto

0
70

Hargaysa (Dawan) Hooyo Saado Cismaan Axmed subaxa ayaa waxa ay fariin dhiilo leh uga timi magaaladda Teripoli ee dalka Liibiya, halkaasi oo u uku xidhnaa wiil ay dhashay oo tahriibay, waxaana lagu wargaliyay in ay soo bixiso qadar lacageed oo dhan 20 oo dollar, haddii ay rabto in wiilkeeda loo sii daayo.

Hooyo Saado aduuyada waxa ay wax hanti ah ka eeganaysay guri ay deganaayeen oo ku yaalay badhtamaa Hargeysa, kaasi oo ay go,aansatay inay u iibiso wiilkeeda si ay ugaga furfurto magafaha ku bahaloobay lacagta danyarta aan dabka shidan, waxaanay u dirtay lacag dhan 20 kun oo dollar kadib markii ay iibisay gurigeedii.

Hadda waxa ay degan tahay duleedka Hargeysa, dhibta ugu way nee Hooyo Saado, haysta ayaa ah in markii ay u dirtay 20 kun oo dollar halkii uu ka sii dayn lahaa uu mid kale ku wareejiyay oo uu hadda ka doonayo 14 kun oo dollar oo kale, Hooyo Saado gurigiina gacan kuma hayso oo waxay degentay meel magaalada ka baxsan wiilkii ay guriga u xaraashtayna magafe kale ayuu ka iibiyay.

Hooyo Saado waxa ay ummadda muslimiinta ah si naxariis leh uga codsanaysaa in laga soo caawiyo sidii looga furdaamin ahaa cadawga haysta wiilkeeda oo markii labaad ka doonaya 14 kun oo dollar.

Hooyo Saado Cismaan Axmed oo ka hadlaysa arrinta wiilkeeda magafuhu haysto ayaa waxay tidhi

“Magafihii hore 20 kun oo Dollar ayuu naga qaaday, oo gurigii aanu ku jirnay Hargaysa aanu u iibinay, kan hadda haystaana 14 ku oo Dollar ayuu naga rabaa, oo aanaan meelna ku ogayn, dadka muslimiinta ah waxaan ka codsanayaa in 14 kun ee Dollar la iga soo bixiyo si aan wiilkayga uga furdaamiyo Magafaha.

Wiilkaygu waa agoon, laba sano ayuu u xidhan yahay Magafaha oo wuu ku rafaaday, markasta waa la jidh dilaa oo xadhiga ayay danbka u galiyaan, aniguna gurigii kali ahaa ee aan hanti ka haystay ayaan u iibiyay, isna Magafe kale ayuu ka sii iibiyay, inta uu lacagtii naga shubtay, kan hadda haystaan waxa uu naga donayaa 14 kun oo Dollar.

ILLAAHAY dartii walaalaha Muslimka ah waxaan ka codsanayaa inay 14-kaasi kun iga soo bixiyaan oo ay il naxariis leh igu eegaan, Hooyo dhiban baan ahay oo aan wiilkeeda u awoodin inay cadawga ka sii dayso”.