Maxkamada Sare iyo SOLJA oo Kawada hadlay Qabyo-tirka Xeerka Saxaafadda

0
110

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali iyo hogaanka ururka Saxaafadda Somaliland ee Solja ayaa ka wada hadlay sidii loo qabyo-tiri lahaa xeerka Saxaafadda Somaliland iyo in maxkamada saree e Somaliland ay ka caawiyaan suxufiyiinta Somaliland dhinaca fanamka sharciga ee wariyayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa salaasadii doraad xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ururka warbaahinta Somaliland ee (SOLJA) oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha ururkaasi Shaafici Maxamed Ibraahin.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud iyo dardargalinta iskaashiga ka dhexeeya Waaxda Garsoorka JSL iyo Ururka Warbaahinta ee SOLJA, ayaa ugu horayn waxa shirka ka hadlay Guddoomiyaha Ururkaasi Shaafici Maxamed Ibraahin waxaanu xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Warbaahinta iyo Garsoorka oo ay ugu horayso Maxkamadda Sare.

Waxaanu guddoomiyaha ka codsaday in Garsoorku ka qayb qaato qabyo-tirka xeerka warbaahinta isla markaana ka taageero tababarada lagu xoojinayo fahanka warbaahinta ee dhanka sharciga.

Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta ka socday ururka SOLJA, waxaanu hoosta ka xariiqay in ka Garsoor ahaan ay markasta Warbaahinta barbar taagan yihiin haddii ay tahay sare-u-qaadida cilmiga iyo haddii ay tahay geedi-socodka shaqo ee lama-huraanka ah.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa tibaaxay in ay muhiim tahay qabyo-tirka xeerka warbaahinta, waxaanu ku booriyay masuuliyiinta SOLJA in ay ka hawl-galaan oo ay kala shaqeeyaan Golaha Wakiillada iyo daneeyayaasha kale ee ay kamid tahay Wasaaradda Warfaafinta, si loo qabyo-tiro. Guddoomiyaha ayaa Warbaahinta ku amaanay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan dhismaha waddanka, waxaanu ugu baaqay in ay ahmiyad gaar ah siiyaan barnaamijyada waxtarka leh ee dhisaya garaadka bulshadeena.