Nolsha Lamaanaha Guulaysta!

0
75

Gabadhiisa oo aad ugu qaylo badnayd ayaa ka codsatay inuu warqad ugu qoro dhaqanada xun xun ee ay leedahay si ay u bedesho, iyadoo u sheegtay inay arinkaasi ka doonayaan ururka jimciyadda haweenka ee ay ka tirsan tahay, waxaana ay u sheegtay inuu warqadda uu qorayo gal ku xidho oo aanu iyada tusayn sida jimciyadu ay ka codsatay.

Ninka ayaa warqadii ku qoray โ€œ Waxaan ku jecelahay gabadhayda sidaasi, kumana arko waxa tilmaamo xun xun ah oo aan sheegoโ€. Gabadhii ayaa qaaday warqadii oo xidhan sidii ay jimcyadda dumarka ee ay ka tirsanayd ka codsaden. Maalintii ku xigtay marki uu gurigiisa ku soo noqday ayuu la kulmay gabadhiisa oo taagan albaabka hortiisa oo ku sugaysa oo madiibad ubax ku jiro gacanta ku haysa, markii uu soo gaadhay ayay iyadoo ilmayanaysa faraxad darteed u dhiibtay.

Waxa gabadha yaab ku noqday sida uu ninkeedu amaanta weyn ku siiyay bulshadii dumarka hortooda oo warqad kasta oo la akhriyay ay noqotay tii ugu wanaagsanayd bulshada hortooda.ย ย  Marki ay wada sheekaysteen ayu ku yidhi โ€œ Anigu waan ogahay ceebo aad leedahayย  oo badan , laakiin waxaan ogahay in dawadeedu aanay ahayn inaan dadka u sheegoโ€.

Gabadha ayaa wixii maalintaasi ka danbeeyay akhlaaqda tii ugu wanaagsnayad kula dhaqantay, sababtu waxa weyi amaantii sixirka ahayd ee uu qoray taasi oo ahayd mid aan u qalmayn wakhtigaasi. Dhaqanka xun waxa lagu bedelaa weedho wanaagsan. Waxaana ay noqdeen wixii maalintaa ka danbeeyay lamaanihii guulaystay.