Ciidanka Booliska oo lagu Tababarayo Samaynta Qorshaha ka Hortagga Dambiyada

0
72

Hargeysa (Dawan) Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Jeneral Cabdi Axmed Tiir ayaa Magaalada Hargeysa ka furay shir socon doona muddo saddex cisho ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ujeeddada shirkaasi ahayd samaynta qorshaha ka hortaga dambiyada.

Tababarkan sameynta qorshaha ka hortaga danbiyada waxa ka qayb galay 22 Sarkaal, kuwaas oo laga soo kala xulay saldhigyo kala duwan iyo hoggaamo ka tirsan ciidamada booliska JSL.

Tababarkan qabashadiisa waxa ciidanka gacan ka siisay hay’adda UNDP, oo ay wada shaqayn dhow leeyihiin ciidanka, iyada oo ka taageerta dhinacyo kala duwn.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa inta badan loo qabta tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda, aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqada.