Wasaarada Arimaha Dibada oo sheegtay in Qaaradaha Aduunka oo Dhan laga Xusayo Munaasibada 18 May 2024

0
65

Hargeysa( Dawan)- Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in shanta qaaradood ee adduunka lagu qabanayoi debaal-dega xusayo Munaasibada 18 May ee sannadkan 2024-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo shalay Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa qurbojoogta Somaliland ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan xuska sannad guuradda 33aad ee 18 May ee dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland.

Axmed Abokor oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sida aad la wada socotaan maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, waxa laga xusayaa Somaliland iyo daafaha dunida, waa maalintii dib aynu ula soo noqonay Madax-bannaanideeda, waxaana aan u mahad naqayaa Jaaliyadda Somaliland ee daafaha dunida kala jooga oo u diyaargaroobay in si ka ballaadhan sidii hore ay u xusaan xuska 18 May. waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Wakiilada Wasaarada arimaha dibada oo ka qayb qaatay xuska 18 May”.

Agaasimaha guud ahaa sidoo kale tilmaamay in qof kasta oo muwaadina looga baahanyahay in uu ka qaybqaato xuska 18 May, waxaanu yidhi “Shanta qaaradood ee adduunka oo dhan ayaa laga xusayaa xuska 18 May, waa sannadkii Ictiraafka, Jaaliyaduhu banaanbaxyo ayay samaynayaan hadday tahay qaarada Yurub, waxaana aan ku dhiiri-galinayaa qof kasta oo muwaadina waa in uu ka qaybqaato xuska 18 May., si aynu u tusno awoodda qarankeena”.