Golaha Wakiilada oo Ansixiyey Xeerka Ciidanka Dab-demiska Somaliland

0
66

Hargeysa (Dawan) Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ansixiyey Xeerka Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka, xeerkaasi oo golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u soo gudbiyay golaha Wakiillada.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, kuna meel mariyay ansixinta Xeerka Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka, xeerkaasi oo muhiimad weyn u leh badqabka iyo badbaadada Bulshada reer Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Faarax Mire Giirre ayaa ku dhawaaqay tirada mudaneyaasha u codeeyay xeerka ciidanka Dabdamiska iyo Samata-bixinta, waxaanu sheegay in 38 mudane ogolaadeen, 4 mudanena ay diideen, 5 mudanena ay ka aamuseen guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

Gaba-gabadii guddoomiye Giire, waxa uu sheegay in xeerka dabdamiska ee golahoodu ansixiyeen ciidanka iyo Qarankaba mihiim u yahay.