Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gurigiisa ku Booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen

0
70

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay gurigiisa ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo dhowaan xaalad caafimaad dalka dibediisa uga soo laabtay.

Booqashadan Wasiirka Arimaha gudaha ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale ayaa waxa ku wahelinayey Xoghaya Guud ee Xisbiga KULMIYE Faysal Cabdiraxmaan Madar, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Axmed Yuusuf Idiris iyo Xoghaya Fulinta ee Dowladda Hoose Siciid Nuur Jaamac iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Eebbe uga baryey in uu caafimaadka u siyaadiyo