Wasiirka Maaliyadda oo ka Hadlay Ujeedada Shirweynihii Dhaqaalaha Somaliland ee 2023

0
72

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in hamiga iyo himilada Qarankasta uu yahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo dadka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirweynihii dhaqaalaha ee magaalada Hargeysa lagu qabtay sannadkii 2023-dii ujeedadiisu ahayd sal-balaadhinta dhaqaalaha iyo casriyayntiisa, isla markaana qodobadii ka soo baxay la waafajinayay qorshaha Qaranka saddexaad ee dalka.

Geesta kale waxa uu sheegay in hadda la soo bandhigi doono nuxurka wixii ka soo baxay is-waafajinta shirweynahaasi, waxaanu yidhi “Sannadkii ina dhaafay ee 2023 ayaa magaalada Hargeysa lagu qabtay shirweyne heer Qaran ah, shirkaasi oo ujeedadiisu ahayd sal-balaadhinta dhaqaalaha iyo casriyayntiisa, qodobadii ka soo baxayna waxa la waafajiyay qorshaha Qaranka ee saddexaad ee dalka, si wixii ka soo baxay shirku uu u noqdo wax dhaxal-gala, waxaa shirka laga soo saaray mashaariic, siyaasado, qaab dhismeedyo, habraacyo, kuwaas oo waafaqsan qorshaha qaranka.

Marka shirka la qabanayo nuxurkiisu waa soo bandhigista wixii ka soo baxay is-waafajintaas, waxaanan halkan uga mahadcelinaya cidkasta oo gacan ka gaysatay”.