Madaxweynaha Dalka Ukraine Zelensky oo ka Badbaaday Shirqool Dil ah

0
81

Sirdoonka dalka Ukraine ayaa sheegay in ay ka hortageen shirqool ay dawladda Ruushku u dhigtay si ay u dilaan madaxweyne Zelensky iyo saraakiil kale.

Waxaa la xdhay labo korneyl  oo ka tirsanaa ururka ilaalada madaxda dowladda iyagoo u gudbiyay xog xasaasi ah shabakad ka tirsan sirdoonka FSB ee Ruushka. Waxay sheegeen in shirqoolku ahaa in la qorto saraakiil militeri oo afduubta Zelensky kaddibna dila.

Bartilmaameedka waxaa ku jiray taliyaha ciidamada Kyrylo Budanov kaas oo loogu talogalay in lagu dilo gantaal. Sida qoraalka la soo saaray ku xusan shirqoolka qaarijiska ayaa la rabay in warkiisa lagu soo bandhigo xafladda caleemo saarka madaxweyne Putin.

Qorshaha waxaa ku jiray in ay basaasaan xogta halka uu ku sugan yahay taliyaha kaddibna lagu weeraro gantaalo ama drones.Mid ka mid ah saraakiisha la xiray ayaa soo iibsaday dornes iyo miinooyin.