Tahriibayaal Laga soo Badbaadiyay Koox Ku Heysatay Dalka Libya

0
85

Ilaa 200 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga sii daayay magaalo ku taalla koofur-bari Libya oo lagu heystay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada dalkaas. Walid Alorafi, oo ah afhayeen u hadlay Waaxda Baaritaanka Dembiyada (CID) ayaa isagoo ku sugan Benghazi sheegay in sida ay kasoo xigteen qaar ka mid ah muhaajiriinta, qafaal ahaan loo heystay muddo toddoba bilood ah ayna “doonayeen inay aadaan Yurub.”

Muhaajiriintan ayaa kasoo jeeda dalal dhowr ah oo ku yaalla kuwa ka hooseeya Saxaraha Afrika, balse badankood waxay kasoo jeedaan qowmiyadaha kala duwan ee Soomaaliya, sida uu sheegay Alorafi.

“Waxaanu xalay weerar ku qaadnay meel qarsoodi ah oo ku taalla tuulada Kufra waxaana aragnay muhaajiriin ay ku jiraan haween, carruur, iyo rag da’ ah oo ay ka muuqdeen calaamado jirdil iyo rasaas,” ayuu yidhi Alorafi. “Muhaajiriinta ayaa dhammaantood loo gacan geliyay hay’adda ka hortagga tahriibka sharcidarrada ah si loo marsiiyo hannaanka,” ayuu yidhi Alorafi.

CID ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaalka ciidamadooda oo burburinaya guriga lagu hayay muhaajiriinta. Muuqaalka kale ayaa waxaa ka muuqday qaar ka mid ah muhaajiriinta oo ay jirkooda ka muuqdaan calaamado. Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la arkayay iyadoo shaqaalaha gargaarka ay saarayaan ambalaas.

Muhaajiriinta qaar’ “xaaladdooda caafimaad aad ayay u liidataa,” ayuu yidhi Alorafi.

“Muhaajiriinta waxaa u badan qawmiyadaha Soomaali iyo Itoobiyaan”

Libya oo shidaalka qani ku ah waxay hoy u tahay 704,369 muhaajiriin ah oo heysta 43 dhalasho, sida ay muujineyso xog laga soo ururiyay ilaa 100 deegaan oo Libya ku yaalla bartamihii sanadkii hore, sida ku xusan xogta QM. Bishii March, Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 65 meydadka muhaajiriin ay CID kasoo saareen xabaalo-wadareed ku yaalla koofur-galbeed Libya.

“Waxaan ku baaqayaa iskaashi goboleed oo dhab ah si loo hubiyo badqadka muhaajiriinta,” ayuu yidhi ergayga gaarka ah ee QM Abdullah Bathily oo bishan dhexdeeda hadal kooban ka jeedinayay Golaha Ammaanka.

Bathily, oo is casilaaddiisa u gudbiyay Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, ayaa yidhi “wararkii dhowaan kasoo baxay Sabha waxay muujiyeen sida naxdinta leh ee loola dhaqmay muhaajiriinta la heysto, taasoo ka hooseysa baahida degdegga ah ee loo qabo in xukuumadda Libya ay tallaabo u qaaddo wax ka qabashada silaca ay dadku maraan.”