Dhibta Dadka Ma Ka Badbaadi Karnaa?!

0
67

Imaam Axmad Ibnu Xambal ayaa waydiiyay Xaatim Al’asam, sidee dhibaatada dadka looga bad’baadi karaa?. Xaatimna waxa uu kamid ahaa dadka xikmada iyo caqliga lagu tiring jiray waxaana uu yidhi:
“ Maalkaaga wax ka sii dadka, maalkoodana Faraha uga qaad!.. way ku dhibayaan adiguna marna ha dhibin. Marka ay waxa kaaga baahdaan u qabo, iyagna marna haku dhibin waxaad u baahan tahay in ay kuu qabtaan ama ku siiyaan!. Imaamkii ayaa ku yidhi Xaatimow arintaas way adag tahay.

Xaatimna  waxa uu ku yidhi “ Arinkaasi wanaagsan ayaad dhibka dadka kaga badbaadaysaa”.

Sheekhii Yaxya binu mucaad isaguna waxa uu yidhi: “Aadamigu waa maskiin sida uu fakhriga iyo saboolnimada uga baqayo hadduu uga cabsan lahaa Naarta wuu badbaadi lahaa, Sida uu Hantida  u jecel yahay hadduu u jeclaan lahaa Jannada wuu gaadhi lahaa”.