Shiinaha oo Dhoollatus Millatari ka Sameeyay Agagaarka Taiwan

0
58

Shiinaha ayaa dhoolatus milatari oo laba maalmood ah ka bilaabay agagaarka Taiwan, iyada oo dhaqdhaqaaqa ay Shiinuhu ku tilmaameen “ciqaab adag” oo loo muujinayo jasiirada  “falalkeeda gooni-goosadka ah awgeed”.

Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood ka dib markii uu xilka uu la wareegay

Madaxweynaha la doortay William Lai, kaas oo ugu baaqay Shiinaha in ay joojiyaan hanjabaadaha ay ku hayaan jasiiradda oo ay aqbalaan jiritaanka dimuqraadiyadda.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go’ay oo aakhirka hoos iman doona maamulka Beijing, balse jasiiradda ayaa isu aragta mid ka duwan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa cambaareysay dhoolatuska Shiinaha oo ay ku tilmaantay “daandaansi aan caqli-gal ahayn”.

Wasiirka difaacaTaiwan ayaa sheegay ciidamada badda, cirka, iyo dhulka loo diray aaga dhoolatuska si ay u difaacaan madax-banaanida [jasiiradda]”. Shiinaha ayaa Dhoolatuskii ku ekeeyay khamiistii, khubarada militariga Taiwan ayaa sheegay.

Dhoolatusku wuxuu ka dhacay dhammaan jasiiradda waaweyn ee Taiwan, waana markii ugu horreysay sidoo kale lala beegsaday jasiiradaha ay maamusho Taipei ee Kinmen, Matsu, Wuqiu iyo Dongyin oo u dhow xeebaha Shiinaha, sida ku cad khariidado ay sii daayeen Ciidanka Xoreynta Shiinaha (PLA). .

Dhoolatuska ayaa muujinaya in Shiinuhu aanu jeclayn madaxweynaha cusub ee Taiwan.

Taiwan waxa ay dhistay inta badan kaabayaashiisa milatari ee adag ee xeebtan, oo ay ku jirto saldhig weyn oo hawada sare oo dhulka hoostiisa ah oo ku dhex yaal buur u dhow magaalada Hualien. Waxa kale oo ay ku dhowdahay jasiiradaha koonfureed ee Japan, iyo marinka sahayda dabiiciga ah.

In Shiinuhu ciidamo badda iyo cirka ah diro bariga Taiwan, waxay ka dhigan tahay in uu Taipei tuso in barigeeda Shiinuhu ka dhow yahay, iyo in la tuso Maraykanka dib loogu soo celiyo Taiwan.

.

Warbaahinta Taiwan ayaa soo xiganeysa khabiirka milateriga Chieh Chung isaga oo sheegay in dhoolatuska socda uu yahay duullaan hubaysan oo buuxa oo lagu soo qaaday Taiwan”.

Shiinaha ayaa si isdaba joog ah ugu celceliyay in ay Taiwan ku hareereeyeen diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta badda sanadkii la soo dhaafay. Taipei ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa duulaanka lagu galay biyaha Taiwan iyo hawada ay sare u kacday ka hor xaflada caleema saarka Mr Lai.

Shiinuhu waxa uu qaaday hawlgalkiisii ​​ugu horeeyay ee “wareejinta” bishii Agoosto 2022, ka dib booqasho taariikhi ah oo ay ku tagtay afhayeenkii Aqalka Congresska ee xilligaas Nancy Pelosi , iyada oo u ekaatay go’doomin lagu sameeyay jasiiradda weyn ee Taiwan iyada oo maraakiib, diyaarado iyo gantaallo lagu weeraray.

Khudbadiisii ​​caleema saarka Isniintii la soo dhaafay, Mr Lai wuxuu ugu baaqay Shiinaha inay “joojiso hanjabaadda Taiwan” . Beijing ayaa cambaareysay hadalka, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda Wang Yi uu ku tilmaamay hadalka Mr Lai inuu yahay “wax laga xishoodo”.

Beijing ayaa hore ugu tilmaantay Mr Lai inuu yahay ” gooni-goosad ” iyo “dhibaato” ka dib hadal uu horay u jeediyay oo uu ku taageerayay madax-bannaanida Taiwan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in dhoolatusku uu Khamiistii “muujinayay maskaxda militariga [Beijing]”.

“Sannadihii ugu dambeeyay, dhibaataynta joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha iyo maraakiibta Shiinaha ayaa si weyn u dhaawacay nabadda iyo xasilloonida caalamka,” ayaa lagu yidhi.