Guutada al-Qassam ee Xamaas oo Sheegtay in ay Qabteen Askar Israa’iili ah

0
53

Guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqday Axadii in ay qabteen askar Israa’iili ah intii lagu guda jiray howlgal ka dhacay marinka Gaza , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Laakiin afhayeenka ciidamada Israel Avichay Adraee ayaa beeniyay sheegashada Xamas, isaga oo sheegay in aanay jirin “wax shil ah oo askar looga qabsaday.”

Abu Obaida, oo ah afhayeenka guutada al-Qassam, ayaa fariin la duubay ku sheegay in dagaalyahanadu “ay fuliyeen hawlgal adag galabnimadii sabtida, waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Sahyuuniyadda kaga qadsadeen askar nool, kuwa dhaawac ah iyo kuwa dhintay marinka dhulka hoostiisa mara ee tunnelka xerada qaxootiga Jabalia.”

Abu Obaida,  waxa uu yidhi “Dagaalyahannada Al-Qassam “ayaa ciidankan weerar jidgooyo ah ku qaaday gudaha tunnel-ka iyo halka laga soo galo, waxayna ay xubnahoodu ciidanka Isreal si kedis ah.”

“Markii ay ciidamada Israel xoojiyeen ay yimaadeen, waxaa sidoo kale lagu weeraray walxaha qarxa,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa raaciyey in dhammaan xubnaha ciidamada ay noqdeen wax meyd ah, dhaawac iyo maxaabiis, oo ay qaateen agabkii ciidan ee ay wateen, isaga oo aan sheegin tirada maxaabiista.

Muuqaal kooxdu soo bandhigtay ayaa muujinaya iyaga oo la baxaya mid ka mid ah meydadka ciidamada Israa’iil ee ku dhintay howlgalka, isla markaana muujinaya Koofiyadaha ciidanka, dharka ciidamada iyo hub.

Waa howlgalkii ugu horeeyay ee kooxaha wax iska caabinta ay ku dhawaaqaan qabashada askarta Israel tan iyo markii Israel ay bilowday duulaanka dhulka ee Gaza 27-kii Oct.

Israa’iil ayaa dishay ku dhawaad ​​36,000 oo falastiiniyiin ah tan iyo markii ay weerar dhanka xudduuda ah ku qaadeen Xamaas oo galaaftay nolosha in ka yar 1,200 oo qof iyo 250 kale oo la qafaashay.

Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa la sii daayay iyada oo lagu bedelay heshiis kooban iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta bishii November.

In ka badan toddobo bilood oo ay colaaddu socotay, dhul baaxad leh oo Gaza ka tirsan ayaa burburay iyada oo ay curyaamisay xannibaadda cuntada, biyaha nadiifka ah iyo daawada.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysatay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, taasoo ku amartay Tel Aviv inay ciidamadeeda ka hortagto falalkan oo kale, ayna xaqiijiso in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro rayidka Gaza.

Go’aankeedii ugu dambeeyay ee Jimcihii, maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa ku amartay Israa’iil inay joojiso duullaanka ay ku hayso koonfurta magaalada Rafah ee ku taalla koonfurta dalkaas, kaas oo ay billowday 6-dii bishan May.