Dadka xigmadda badan qaarkood waxa ay nacaska ku tilmaameen mid leh lixda astaamood ee soo socda;
- Waa iska cadhooda dhib laโaan,
- Xaqdarana wax ku bixiya
- Qof walba ku kalsoonaado,
- Sirtana aan qarinin,
- Cadawgiisa iyo saaxiibkiis kala soocin,
- Wax kasta oo qalbigiisa ku soo dhaca ku hadla
Waxaana uu si dhalanteed ah u aaminsan yahay in uu yahay kan dadka ugu caqliga badan.