Dadka Isku Kalsoon Way Guulaystaan!

0
60

Waxa jira dad ay adag tahay inay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka khariban ee akhlaaqda xu nee ku hareeraysan, waxay awood u leeyihiin inay xakameeyaan fikirkooda, weedhooda iyo dhaqankooda intaba.

Dadka hadafka u samaysta arrin kasta oo ay rabaan in ay fuliyaan, kuma socdaan qorshe la’aan.

Nooc dadka ka mid ahi waxa uu aqbala dabeecadaha dadka kale haduu dabeecad xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahayba. Waana uu la dhaqmi karaa. Qof kastana waa la heshiisa, kaasi waa hogaamiye bulsho.

Waxa dad isu dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo danta guud, iyagu wax kasta islama jecla , waxa ay jecel yihiin inay dantooda ka dhex arkaan danta guud.

Nooc kale oo Dadka ah ayaaย  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato degdeg, waxa dhici karta inay gacan culus iyo raajin leeyihiin, laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, daganaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn, kaasi waa dadka maamulka aad u yaqaan ee u hirgelinaya shaqo kasta sida ugu wanaagsan.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosha ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna, kuwaasina waa dadka isku kalsoon ee nolosha ku guulaysta.