Guddoomiyeyaasha iyo Kormeerayaashu ha soo sheegaan Dugsiyada aan la Furin…” Wasiirka Waxbarashada

0
35

Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, barbaarinta iyo sayniska Somaliland, Mudane Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa sheegay in dhammaanba sanad-dugsiyeedka iskuulada dalka lagu soowada noqday, sidaasina ay kuwada furan yihiin.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray dhamaan guddoomiyayasha waxbarashada gobollada, maamulayaasha iskuulada, waalidka, ardayda iyo macalimiinta dalka, waxaanu faray in waxbarashadu furan tahay sidoo kalena iskuulada dib loogu soo noqday.

Waxaanu yidhi.”Anagoo ka faa,idaysanayna wakhtiga Waxa aanu la socod siinaynaa dhamaan in dhamaan maamulayasha dalku ay diyaariyaan goobihii waxbarashada macalimiintuna ay ka xaadiraan, dhamaan waalidiinta waxan ka codsanayaa in ay caruurtooda u diraan iskuuladii”

Sidoo kale waxa uu shaagey in ka wasaarad ahaan iyagoo ka faa,iidaysanay wakhtiga si manhajka waxbarashada loogu talagay uu ardayda ugu dhamaado ay dhamaan cidkasta oo ay khusayso farayaan in dib u bilaabaantay waxbarashii.

Wasiirka isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi.”Dhamaan gudoomiyayasha gobollada iyo kormeerayshooda waxan farayaa in ay kormeeraan iskuulada aan furmin soona sheegaan iskuulaada sababta ay u furmiwaayeen”

Geesta kale wasiir Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa ka hadlay ardaydii ay saamaysay colaadihii bariga dalka dhawaan ka dhacay, isla markaasina ay saameeyeen deegaanadii ay wax ku baran-jireen isagoo xusay in ay ardaydaasi waxbarahshadoodii ka sii wadan karaan meelaha kale ee ay tageen.

Waxaanu yidhi. “Waxa jira deegaano ay ka jiraan colaado, ardaydii wax ka dhigan jirtayna ay ka tageen, waxaan maamulayasha ka codsanaynaa in ardaydaa ay tixgalin gaar ah siyaan in sidii ay ugu ogolaan lahaayeen in ay ardaydaasi dugsiyadooda soo galaan, riboodkaana waxa laga rabaa maamule iyo gudoomiye kastaa in uu soo gudbiyo wasaaradana la soo wadaago si aanu u ogaano xaalada ay ku sugan yihiin”