Qore Boqore Axmed Cabdi
Ceel Af-wayn (Dawan) Wafti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maalintii labaad ku guda jira safar shaqo oo uu ku marayo gobollada bariga dalka, ayaa kulamo kula qaatay bulshada deegaankaasi.
Ujeeddada safarkan ayaa ah in waftigu ka qayb qaato xoojinta nabadgelyada iyo in ay si dhab ah xog-ogaal ugu noqdaan xaaladda goobaha waxbarasho ee ku yaalla deegaannadaasi.
Intii uu safarka ku jiray, Wasiirka ayaa si gaar ah kulan ula qaatay Suldaan Sharmaarke Suldaan Maxamed, si ay uga wada hadlaan dhamaystirka geedi-socodka nabadgelyada ee deegaannada hoos yimaadda Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceel Afweyn.
Kulankaasi ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada iyo kor u qaadidda xasilloonida deegaanka, si ay uga miro dhasho horumarinta adeegyada waxbarashada iyo guud ahaan nolosha bulshada.
Wasiirka iyo waftigiisa ayaa sidoo kale la filayaa in ay kormeero ku soo sameeyaan dugsiyo iyo xarumo waxbarasho, si ay u qiimeeyaan baahiyaha jira iyo horumarka la taaban karo ee laga sameeyay waxbarashada gobollada bariga dalka.
Gobolka Sanaag ayaa hore waxa ugu sugnaa wefti xukuumadda ah oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, halkaasi oo ay ka qabteen shaqooyin muhiim u ah Qaranka iyo sidoo Kalena ay aad uga shaqeeyeen nabadaynta iyo walaalaynta dadka ku wada nool gobolka Sanaag.
Wasiirka wasbarashada iyo Barbaarinta Somaliland ayaa qiimayn doona baahiyaha dhinaca waxbarashada ee gobolka Sanaag, si wax looga qabto, wixii ka dhimana loogu daro.