WEEDHA WARGEYSKA Waa Khad Cas xad-gudub kasta oo lagu soo farogeliyo xuduuddaha Jamhuuriyadda Somaliland

0
69

Soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qeexan Dastuurka iyo xeerarka ka farcamay waa khad cas oo ay cid kasta oo soo-fargelisaa ku mutaysanayso gacan iyo go’aamo qadhaadh oo lagu ciqaabi doono.
sida uu dhigayo QODOBKA 1AAD ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Farqadihiisa 1-aad iyo 2aad “QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND waa Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaali [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l991-kii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

  1. Awoodda iyo karaamada Qarannimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale”

Xuduuddaha laguma soo xad-gudbaanka ah ee Dalka Somaliland waa kuwa ku qeexan qodobka 2aad ee Dastuurka farqadihiisa, 1aad, 2aad iyo 3aad oo si cad u bayaamiyey cir, dhul iyo Badba. waxaanay u dhigan yihiin sidan: “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8° ilaa 11° 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42° 45′ ilaa 49° Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

  1. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
  2. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

Magaca iyo xuduuddaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qeexan dastuurka, waxa masuuliyadi ka saaran tahay Dawladda iyo Shacabka Somaliland. Difaaca xudduudaha iyo ilaalinta amniga guud ee qarankana waxa awood buuxda u leh Ciidammada kala duwan ee difaaca, kuwaasoo cir, dhul iyo Bad wixii xadka taako kamida ku soo gala fasax iyo sharciyad la’aan xaq u leh inay talaabo ka qaadaan, sida ay dhigayaan farqada 1-aad iyo 2aad ee qodobka 123 ee Dastuurku; “1. Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxabannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka. 2 Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka”

Haddaba iyagoo dabacaya sharciga, Ciidanka Qaranku Waa naf-hureyaal u dhaarsan inay u dhintaan, u dhaawacmaan amase ay dhibaato kaleba u mutaan ilaalinta Dalka iyo dadka. Tallaabo qaad kasta oo Ciidan iyo difaac siyaasaddeedka qarankana waxa ka masuul ah hoggaaminteeda Madaxweynaha Dalka Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ama hadba madaxweynaha talada haya oo ah Hoggaamiyaha guud ee Dalka iyo Taliyaha guud ee Ciidammada Qalabka sida.

Marka uu Madaxweynuhu amro Ciidammada, waxa ay awood u leeyihiin inay jebiyaan difaac kasta iyo cadow kasta oo hor-fadhiya oo ku soo duullay Dalka ama doonaya inuu ku soo xad-gudbo xuduudaha Waddanka.

Sidaas darteed, u soo hollashada ku-soo-xadgudubka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ku hamiyey Xamse Cabdi Baraha Soomaaliya, waa inuu ogaadaa in haddii uu soo galo hawada dhulka Somaliland uu la kulmayo jawaabta dastuurka Somaliland oo Ciqaab ah iyo cawaaqib kasta oo uu mutaysanayo.

Geesta kale, xukuumadda Somaliland waxa ay ku amaannan tahay mowqifka cad ee ay shalay iska taagtay facaa’ilka doqoniimada iyo daan-daansiga ah ee ka soo kordhay Maamulka Soomaaliya.

Xukuumaddu, iyadoo dabaqaysa dastuurka iyo xeerrarka dalka, waxa u furan inay qaado tallaabo kasta oo lagagama maarmaan ah. Waxyaabaha u bannaan siyaasad ahaan waxa kamida; falcelin ku dhisan mabaadi’da Xidhiidhka Caalamiga ah “The principle of Reciprocity” taas oo jaangoynaysa xidhiidhka iyo habdhaqanka labada dawladood. Tani waa qaadista tallaabooyin u dhigma waxa ay samaynayaan Kooxda Xamar.

Waa inay si toosa u dacwaysaa Soomaaliya, isla markaana muujisaa inay khatar ku tahay amniga Qarankeenna, tahayna cadow dalka iyo dadka Somaliland halis ku ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waa inay kala noqotaa nooc kasta oo aqoonsi iyo u-ixtiraam dawlad rasmi ah, iyadoo meesha ka saaraysa heshiisyadii ka soo baxay wadahadalladii 2012-kii uu maamulka Soomaaliya kaga baxay ku-meel-gaadhnimada, iyadoo geesta kalena laallaysa sii socoshada wadahadalladaasi gabi ahaantoodba. hana u aqoonsato nidaam ku hoos jira kooxo kala duwan.

Sidoo kale, waa inay dacwada ka dhanka ah Soomaaliya ay ku caddaysaa Xukuumaddu in dagaalkii Laascaanood uu ahaa qorshe ay ka dambeyso Xukuumadda Xamar, maadaama hadda loo hayo caddayn buuxda oo markhaati leh.

Ugu dambeyn, waa inay Xukuumadda JSL dunida iyo shacbigaba u caddaysaa dabeecaddeeda rasmiga ah ee la-macaamilka Dawladda fashilantay ee Soomaaliya.