Nin indhoole ah oo dawarasanaya ayaa wadada dhinaceeda fadhiistay, koofiyadiisana waxa uu dhigay dhulka si dadka caawinaya lacag ugu ridaan. Dhiniciisa waxa uu dhigay boodh ay ku qoran tahay “ Waa Indhoole fadlan caawiya”. Haddana wax badan looguma caawin.
Iyadoo sidaas ah ayuu nin aqoon sare u leh samaynta xayaysiisyada soo maray, waxaana uu arkay koofiyadda indhoolaha, oo ay ku jirtay lacag aad yar. Waxooga lacag ah ayuu ugu riday Koofiyadda, ka dibna waxa boodhkii gacanta uu ku dul qoray weedho cusub isagoon wax fasax weydiisan indhoole. Dabadeedna intuu halkiisii ku celiyay boodhka ayuu jidkiisii iska qaaday.
Muddo yar ka dib, ninkii indhoolaha ahaa ayaa ogaaday in koofiyaddiisu ay lacag buuxisay. Waxaana uu ogaa in sababta isbeddelku u dhacay ay tahay waxa uu ninkii soo maray ku qoray Boodhkiisa gacanta. Waxa uu waydiiyay qof meesha marayay waxa ku qoran Boodhkiisa. Waxaana uu ku yidhi: “ Waa gu’, laakiin ma arki karo quruxda gugagan”.
Xikmadda: Wakhtiyada qaarkood waxaa laga yaabaa in qofku si dhab ah ugu baahan yahay inuu wax ka beddelo qaab nololeedkiisa, laakiin aanu samayn karayn sababtoo ah ma haysto qalab ama aqoon uu ku sameeyo, ama haysto qalabkii, laakiin aanu lahayn caqli uu ku go’aamiyo waxa ku habboon xaaladdiisa, wakhtiga iyo goobta. Haddii uu haysto, waa markaa uu isbeddelku dhacayo.