Faylsuufkii Giriiga ahaa ee Sokheret ayaa yidhi “ markii aan caruurta ah maan jeclayn in aan subaxda hore tooso. Hooyaday ayaa hab-dhaqankan igu nacday, sababtuna waxay ahay iyadoo ku hamiyaysay in aan noqdo Injineer. Maalin ayay ii raacday dugsiga macalinka waxay ka codsatay in uu ii sheego qiso dhiirigelin ah oo tilmaamaysa faa’iidada ay leedahay inaad subaxda hore toosto.
Macalinka ayaa bilaabay sheekadan “ Sokheret , waxa jiray laba shimbirood , midkooda subxada hore ayay toosaysay, oo cayayaanka soo cuni jirtay, badhna dhalaankeeda u keeni jirtay. Midda kalen wakhti danbe ayay toosi jirtay , waxaana ay waayi jirtay cayayaan ay cunto, iyada dhalaankeeduna way gaajoodan”.
Maalinka ayaa weydiiyay Sokheret : Maxaad ka baratay sheekadan? , Waxaana uu si dhib yar ugu jawaabay “ Cayaayanka subaxda hore toosa waxa cuna Shimbiraha”.
Macalinku waxa uu rabay in uu cashar dhiirgelin ah siiyo si uu u tooso subaxda hore, laakiin maxa dhacay waxa Sokhret fahmay in subaxda hore oo la toosa ay halis badan tahay. Dhirigelinta aad bixinayso yaanay laba jawaabood oo iska soo horjeeda yeelan si aanay u fashilmin.