Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona cabitaanka Kookaha oo la ogaaday in uu sababo xannuunka Kansarka.
Xannuunka Kansarka ayaa ka mid noqday xannuunada sida aadka bulshada ugu dhaca, isla markaana ay bukaano badani u yaalan cisbitaalada.
Hayโadda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqday in kookuhu ay tahay cabitaan keeni kara cudurka Kansarka.
Warkan cusub ayaa walaac ku abuuray dadka isticmaala cabitaankan iyo xeeldheerayaasha caafimaadka.
Daraasadda WHO waxay ku salaysan tahay maadada โaspartameโ oo ah macaan samays ah oo lagu daro Kookaha.
Aspartame waa maaddo ay dood badani ka taagan tahay waxaana la xidhiidhiyaa cillado caafimaad oo kala duwan oo Kansarku uu ka mid yahay.
Warkan ka soo baxay hayโadda WHO Qeybta qaabilsan baadhista Kansarka waxa xoojinaya daraasado kale oo lagu ogaaday inuu jiro xidhiidho ka dhexeeya isticmaalka โaspartameโ iyo noocyo ka mid ah cudurka Kansarka.
Daraasadaha lagu sameeyay xayawaanka iyo bini’aadanka ayaa lagu arkay in isticmaalka maadada โaspartameโ ay kordhin karto halista Kansarka noocyadiisa ku dhaca naaska, maskaxda iyo dhiigga.
Daraasaadkani waxa turjumay Daryeel Magazine, waxa ay tilmaamayaan in cabitaanka Kookaha oo muddo dheer la istictaalo iyo in aad loo badsado ay kordhiyaan halista cudurka Kansarka.
Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in la iska yareeyo cabitaannada soodhaha leh iyo cabitaannada kale ee ay sonkortu ku badan tahay si loo dhimo khatarahooda caafimaad.
Waxa ay dhiirragelinayaan in kookaha lagu bedesho cabitaannada dabiiciga ah ee furuutka iyo khudradda, biyaha iyo noocyada shaaha, sida shaaha cagaaran.
ย
ย