Horumarka bulshadu waa horumarinta iyo ka talaabsashadda baahiyaha hoose ee nolol maalmeedka iyo xal u helidda duruufaha dhaqaale ee ku xeeran shaqsiga, si qof kasta oo bulshada ka mid ah u yeesho awood buuxda oo halabuur leh.Sidee loo horumariyaa bulsho? Maalgashigga birtumaha, kabo tolaha iyo farsamo yaqaanada gaarka ah ee sii dabar goโaaya, waa maalgashi sugan oo aan u baahnayn wakhti badan si looga faaโiideysto sancooyinkooda iyo halabuurkooda soojireenka aha, taasina waa tan noqoneysa horumar bulsho oo la taaban karo, guusha bulshadu waxay ku xidhan tahay wanaagga dhammaan muwaadiniinta sida ay ugu hiiliyaan qarankooda. Horumarka bulsheed macneheedu waa maalgalinta dadka iyo dalka, iyadooy wanaagsan tahay dad leh aqoontii farshaxaneed oo aan u baahnayn tababar iyo tacab badan, taasina waxay u sahlaysaa maalgashaduhu inuu wakhti yar gudeheeda ku helo wixii uu gashaday dadka iyo dalkiisa, waxaa loo baahan yahay in meesha laga saaro caqabadaha ka hortaagan muwaadiniinta inay rumeeyaan riyooyinkooda si kalsooni iyo sharaf leh uga midho dhallinyaan halabuurkooda iyagoon wadanaka dibidiisa ka doonan maalgashi, wa in aynaan iska dhego marin xaqiiqda, in dadka ku nool faqriga ay weligood ahaan doonaan sabool joogta ah, hadii aan la gacan qaban, waxaa iyana lidu ku ah horumarka bulshadda, qaninimadda kusoo ururto gacanta tujaarta faro-kutiriska ee wax walba ka shaqeeya sida korontadda, biyaha, caafimaadka, bangigga, dhismaha, taleefanadda, tagaasida iwm, waxay aalaaba kordhiyaan saboolnimadda, waayo iyagu xidhiidh lamalaha dabaqadaha kala duwan ee shacabka wax soosaarka leh. Tujaarta badankoodu waxay lacagtooda ku keydsadaan hantidda maguuraanka sida dahabka iyo dhismayaasha shaqsiyadeed, halka dabaqadda dhexe, ay lacagtooda galiyaan wadanka kana shaqeysiiyaan dabaqadda hoose ee qaadaa ma dhargaha, taasoo noqota kobcin ummadeed iyo horumar dhaqaale. Horumarka dhabta ah ee la taaban karo, waa dabaqadda dhexe oo badata, waana dabaqada lacagteeda dib ugu celisa wadanka kuna kordhisa qaranka halabuur dhaqaale oo waara.
Horumarka bulshadu waxa uu ku saabsan yahay caawinta dadka si ay u gaadhaan isku filnaansho dhaqaale, iyagoo ka gudbaaya baahida hoose ee daruuriga, si uu u yeesho curin dhaqaale.
Dhammaan dadkaa ee uu Yaas Daher Research, soo daraaseeyay, waa inay helaan fursado ay ku koriyaan, kuna horumariyaan xirfadahooda oo ay wax kusoo kordhiyaan qoyskooda iyo nolosha bulshada si macno leh, kolkuu qoys horumaro waxaa hubaal ah inuu qaranku horumaraayo.Waxaa aalaaba isku sidkan horumarka iyo caafimaadka, waayo shaqsigu markii uu helo dakhli ku filan uu ku maareeyo nolol maalmeedkiisa wuxuu noqonayaa shakhsi ka fekera caafimaadkiisa waxaa sidoo kale isku xidhan bedqabka bulshadda iyo cimridhererka, taasina waa bilawga bed qabka ummadda, haddii ay caafimaad qabaan, aqoontoodu wanaagsan tahay, isla markaana ay tababaran yihiin marka ay suuqa shaqada soo galaan oo ay helaan mushahar wanaagsan oo ku filan, waxa ay si fiican ugu diyaar garoobaan daboolidda baahiyahooda aasaasiga ah, oo waxay ku guulaystaan noloshooda reereed iyo qoyskooda oo hanaqaada, bulshada oo dhanna way ka faa’iidaa bed qabka bulshada. Waxbarashadu waa inay noqotaa mid saameyn ku yeelata nolosha bulshada oo ay wax ku soo kordhisaa shakhsiga Aduun iyo Aakhiraba, waa inay ku bilaabataa daโada yar si maskaxda loogu shubo wax anfac u leh Diin, Dal iyo Dadba.
Waxbarashadaasina waa lama huraan inay salka ku hayso Dhaqan, oo aysan noqon mid lasoo xawilay oo aan ku jaangoโneyn dhaqanka dadka si ay wax barshadaasu u keento horumar hiigsi leh. Taasoo xayndaab u noqon doonta bulshadda, marka la maalgeliyo hindisayaasha waxbarashada tayada leh, waata kala duwi doonta ka wax bartay iyo kaan wax baran, kolkaa waxaan xaqiijin karnaa guusha u soo korodhay muwaadiniinta, marwalba oo ay muwaadinku guuleysto, qarankiisaa guuleysta.
Xaqiijinta in caruurtu ay helaan waxbarasho wanaagsan oo ku saleysan edaab iyo akhlaaq, lagu baro aqoonta ah ee horeyso xisaabta waata is dhaafin doonta ummadahan tartamaya, xisaabtu waxay kordhisaa fursadaha ay ku guulaysan karaan markay hanaqaadaan. Si loo kobciyo guusha bulshadda, waxa kale oo muhiim ah in la helo adeegyo daryeel si uu helo jidh bed qaba, kolka la helo shakhsiyaad caafimaad qaba ayaa la helayaa bulsho horumarsan, horumarka iyo caafimaadku waa labo shey oo xidhiidh toos ah leh. Marka ay dadku ogaadaan in caruurtoodu ay ku jiraan gacmo wanaagsan oo xasiloon, oo inta ay guriga ka maqan yihiin la barayo waxbarasho tayo leh. Marka loo-shaqeeyayaashu ay helaan shaqaale wanaagsan, ganacsigoodu si fiican ayuu u hanaqaadaa, in loo shaqeeyaha uu tixgaliyo oo sannad walba ku daro shaqaalihiisa wanaagsan saamilayaasha cusub ee shirkadiisa, taasoo wanaajisa xaaladda dhaqaale ee bulshada. Maalgelinta barnaamijyada farsamada gacanta waxay si toos ah saameyn ugu yeelanaysaa bulshada iyo sumcadeeda, macaashkana waxaa iska leh maalgashadaha, isagoo hanan doona quluubta shacabkiisa, farsamo yaqaanadda leh xirfad u gaar ah oo sii dabar goโaya ku dhiiranaanta maalgashiga saxda ah ee la taaban karo, waxay bulshadda u yeelan kartaa faa’iidooyin dhaqaale oo mustaqbal arragti fog leh. Intaa waxaa dheer, si loo caawiyo dadka inay gaadhaan isku-filnaan dhaqaale, waa lagama maarmaan inay helaan jewi bed qaba oo ay wax ku soo saaraan oo ay kow kabtahay Siyaasad xasiloon ama nabdoon oo aan shacabka cadow isaga dhigin. Isagoo maalgashaduhu ka fekeraayo mustaqbalka fog, ayuu waxa uu ku baraarujinayaa in farsamoodu wax u goyso si uu helo degaan bed qaba oo ku noolaadon. Guriyeyntu waa wadnaha qoyska, meesha ay qoysasku si nabad ah ugu nool yihiin oo ay ku barbaariyaan carruurtooda si ay isugu xidhmaan bulshada iyo daryeelka. Hadii aan la helin guryo jaban oo aan keeni sicir barar, way adagtahay inay noqdaan xubin bulsho ka mid ah oo wax soo saar leh, Barmaamijka maalgelinta sancooyinka sii dabar goโaya, waxay noqoneysaa badbaadinta iyo ilbaxnimada ummada, iyadoo dhan walba loogu hiilinaayo Dadka iyo Dalkaba.
Barnaamijyada iyo adeegyada dhallinyaradda waxbarashada dugsiga sare kadib, shaqo abuurka, horumarinta nolol fir-fircoon oo caafimaad qabta iyo bulshooyin nabdoon ayaa ah noocyada kale ee maalgashiga ee dadka taageera barwaaqada dhaqaalaha bulshada, si loo yareeyo jewiga foosha xun ee ka hor imanaaya horumarka bulshadda waa in aan qaadanaa habka horumarinta bulshadda iyadoo lamaal-gashanaayo dadka leh halabuurka casrigga ama tiknoolajiyadda. Inagoo ku baraarujineyna in dadka la maalgashaddo, maalgashigaas oo keena horumar kadibna yareeya quusta iyo niyad jabka keena tahriibka iyo duruufaha adag ee foosha xun kuwaasoo keena waali maskaxeed. Hiigsiga horumarku waa inuu ku koobnaan dawladda kaliya, si aynu u helno habab aynu uga faaโiidaysano hantidda ummadi leedahay ee ah dadkeedda. waa inaan la wadaagnaa mas’uuliyadda ururadda bulshadda, ganacsiyadda, jaamacadaha iyo degmooyinka si loo hagaajiyo hab-dhaqanka cusub ee deraasaadka Yaas Daher iyo ka hortagga colaada iyo shaqo yaridda, intaas oo hoos u dhacda waxay keentaa Horumar waara oo tayo iyo tusaalo u leh bulsho mideysan.
Qoraa Yaasiin Daahir Cumar .