London (Dawan) Kulan ballaadhan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee Westminster ayaa lagu muujiyay taageero xooggan ee xildhibaanada Ingiriisku ay u hayaan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, iyaga oo ballanqaaday in ay si dhab ah ugu ololeyn doonaan aqoonsiga Somaliland.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Safiirka Somaliland ee UK, Ambassador Cabdi Cabdillaahi Dayax-weerar, iyo safaaradda Somaliland ee London, ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano Ingiriis ah, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, marti sharaf iyo xubno kale oo badan oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee UK.
Xildhibaan William Gavin, oo ka mid ah taageerayaasha ugu cadcad dhinaca qadiyadda Somaliland ee gudaha Baarlamaanka UK, ayaa khudbad mug leh oo uu madasha ka jeediyay ku dhaliilay beesha caalamka sida ay u dayaceen dadaalka iyo xasilloonida Somaliland, iyaga oo halkii ay taageeri lahaayeen, kana dhiiri-gelin lahaayeen horumarka Somaliland ku mashquulsan arrimaha Soomaaliya oo ah dawlad fashilantay. “Waa in la furaa indhaha, la bogaadiyaa horumarka Somaliland. Caalamku waa inuu aqoonsado xaqa shacabka reer Somaliland ee ay u leeyihiin inay mustaqbalkooda ka tashadaan.” ayuu yidhi Gavin.
Xildhibaan Gavin ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii caalamku aqoonsan lahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo sheekada laba waddan, Somaliland iyo Soomaaliya. Dalka madaxbanaanidiisa qaatay 26 June 1960, laakiin midnimo la galay Soomaaliya, oo ay dadkiisu kala kulmeen xasuuq. Soomaaliya waxay sameeyeen tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo shacabka Somaliland. Ka dib waxay noqdeen dal nabadgelyo abuurta, oo aan aargoosi u baydhin.
Xildhibaan Gavin oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Somaliland abuurtay hannaan dimoqraadi ah iyo doorashooyin xilka madaxtinimada si nabadgelyo ah la isugu wareejiyo, isaga oo tilmaamay in tallaabadaasi uu u arko dal qaran ah, oo ka duwan dalka musuqmaasuqa iyo burburku ragaadiyey ee Soomaaliya. waxaanu yidhi “Dadka waxa loo baahan yahay inay indhahooda furaan, bogaadiyaan waxa la qabsaday. Maaha keliya Ingiriiska, balse Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo kuwo kale oo badan waa inay xaqiiqada dhulka ka ijrta ku go’aan qaataan, oo aqoonsadaan dalkan Somaliland ee yeeshay hay’addo dimoqraadi iyo nidaam xukuumadeed shaqeynaya, oo bulshadooda siiyaan xaqa inay mustaqbalkooda ka tashadaan.”
Xildhibaanku waxa uu ballan qaaday in sannadkani uu noqon doono mid isbeddel keena, isla markaana uu isaga, iyo xildhibaano kale oo British ah, diyaarin doonaan warbixin rasmi ah oo Baarlamaanka la horgeynayo si ay u dhiirrigeliyaan qadiyadda aqoonsiga Somaliland. Waxaanu yidhi “Waxaan saadaalinaya in sannadkani noqon doono mid isbedelku yimaado, laakiin waa inaan si weyn ugu sii ololeyno gaadhitaanka hadafkaa. Anniga iyo xubnaha taageera Somaliland waxaan diyaarinaynaa warbixin dhiirigelinaysa qadiyadda Somaliland iyo sida mustqabalka wax loola qabsado. Waxaan anniga iyo xildhibaanada kale ee saaxiibka nahay aanu ahaan doono kuwo marwalba u dooda qadiyadda Somaliland sidaan hore ugu doodi jiray, hadafkaana waanu aaminsan nahay.”
Dhammaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa isku raacay in la gaadhay wakhtigii Jamhuuriyadda Somaliland lagu abaalmarin lahaa waxa ay qabsatay, si ay tusaale ugu noqoto sida beesha caalamku u aqbasho uuna taageerto horumarka ummad ay keligood gaadho.