Aqoon cilmiga Badda iyo noolaha ku jira aqoon sare u leh ayaa Tijaabo ku sameeyay, Nibri weyn waxaana uu ku ridayย taanki ballaadhan oo muraayad ah oo kaluunka loogu talo galay (aquarium). Intaasi ka dibna waxa lagu xeerayay koox kalluun yar, si Nibrigu u helo raashinkiisa.
Sidii la filayey, Nibiriga ayaa markiiba weeraray kalluunkii oo wada cunay dhamaantood.
Saynis-yahankaย ayaa intaasi ka dib ka dhigay taangiga Murayaadda ah laba qayboood oo kala xidhan. Qayb Nibiriga ayaa ku jiray, qaybta kale Kaluunka yaryar, iyadoo Muraayadda aanu kla gudbin Karin u dhaxaysay.
Libaax badeedka ama Nibriga ayaa sidii caadiga ahayd weerearay kaluunka yaryar laakiin nasiib darro muraayadda soo celisay oo ka gudbi waayay.
Si kasta ayuu isagu deyay in kaluunka soo qabsado oo ka gudbo muraayadda waa ay u suuroobi weyday. Waana uu iska fadhiistaa isagoo daalay oo niyadjabsan, isagoo arkayay kaluunka yaryar oo iskags ciyaaraya si nabadgelyo ah.ย Muddo dhawr sacaadood markii uu kolba isku dayo ee ka awoodi waayayย ayuu iska quustay oo iska fadhiistay. Nibiriga ayaa joojiyay ugu danbayntii isku daygiisa uu ku rabay inuu Kaluunka soo qabsado.
Saynis yaqaankan ayaa mudadaasi ka dib ka saaray muryaaddii uu ku kala xidhay Nibriga iyo Kaluunka si mar kale Nibiriugu raashinka ugu dhigto kaluunka yaryay. .
Laakiin Nibiriguย waxa uu goโaan ku gaadhay in aanu weerarin Kaluunka madaama aanu awood u lahayn in la soo baxo, waxaaan uu ku qanacay xanibaadda muryaadda ee u dhaxaysa isaga kaluunka, oo weli aaminsan yahay in ay jirto.
Haddaba Dad badan ayaa si buuxda u lumiya rajadooda ka dib markii ay ku guuldareysteen isku daygooda guusha dhowr jeer,ย sida arinka Nibirga sheekadan gaaban.
Waxaana ay door bidayaan in ay ku sii nagaadaan guul-darradii hore, iyo in aanay weligood guulaysan. Waxaana ay maskaxdooda ku dhisnaa caqabado mala-awaal ah, oo ka horjoogsanaya inay sameeyaan isku dayga guusha, sida Muraayadda humaagga beenta ah ee uu sameeyay Saynisyahanku.