Jimcsiga la sameeyo quraacda ka hor ayaa la cadeeyay inuu jidhka siiyo awood iyo firfircooni dheeraad ah, taasi oo u suurtagelisa qofka inuu shaqada badan u adkaysto, iyo inay ka ilaaliso daalka iyo wareerka jidhka ku dhaca wakhtiga shaqada.
Mac-had ku yaalla dalka Ingiriiska oo cilmi baadhis ku sameeyay 30 qof oo jimcsi sameeya ka hor quraacda ayaa muujisay in jidhkoodu uu gubay sonkortii iyo weliba inay awood u yeeshay inay sheqeeyaan wakhti badan iyagoo aan dareemin daal iyo caajis midna.
Waxa kale oo daraasadda ay ku samaysay baadhis dadka jimicsiga sameeya quraacada ka dib kuwaasi oo la ogaaday in miisaankoodu kordho isla markaana aanu wax isbeedel ahi ku dhicin sonkorta jidhkooda.
Sanadkii 2017 daraaasad laga sameeyay jaamacad ku taalla dalkaasi oo lagu magacaabo Bath University ayaa isla warbixintan soo saartay. Waxaana daraasaddu dadka ku dhiirgelisay dadka inay sameeyaan jimcsi ka hor quraacda.