Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo Wax-kala Iibsiga Suuqyada Dalka oo Kor u Kacay

0
113

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdillaahi Xasan, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo wax kala iibsiga suuqyada dalku ay si weyn kor ugu kaceeny muddooyinkii ugu dambeeyay, iyada oo sidoo kale uu jiro kobac dhaqaale oo isa soo taraya.

Sidaana waxa lagu sheegay warbixin la xidhiidha Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha oo shalay  lagu soo bandhigay shirkii Golaha Wasiirada JSL, iyada oo sababta kor u kaca dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo wax kala iibsiga suuqyada dalka lagu sheegay in ay tahay kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan siyaasadda dhaqaale ee Xukuumadda cusub.

Warbixintan oo shirka Golaha Wasiirrada JSL uu ku soo bandhigay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan, ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dedaal ugu jiraan kobcinta dakhliga Qaranka oo soo kordhaaya maalin ba maalinta ka dambaysa isaga oo xusay in ka Wasaarad ahaan ay ku hawlan yihiin dib u eegis iyo dib u qiimayn ay ku samaynayaan cashuuraha muhiimka ah si loo kobciyo dakhliga dawladda.