Kooxda cunto ku sumowday oo dalbatay in ciyaar dib loogu dhigo

0
188

Kooxda heerka labaad ee talyaaniga laguna magacaabo Salernita ayaa daqlbatay in dib loogu dhigo Lugta labaad ee isreeb-reebka heerka labaad ee Seria B ee u dhaxaysa iyada iyo Sampdoria ayaa dib loo dhigay 48 saacadood ka dib markii tiro ciyaartoy iyo shaqaale Salernitana ah la dhigay cusbitaalka iyaga oo ku sumoobay cunto.

Salernitana ayaa codsi rasmi ah oo ku saabsan in dib loo dhigo kulanka laga aqbalay ka dib markii 21 ka mid ah xisbigooda safarka ahaa ay xanuunsadeen ka dib markii ay ka soo laabteen Genoa ka dib guuldaradii 2-0 ee Axadii lugtii hore.

Lugta labaad, oo markii hore loo qorsheeyay Jimcaha (19:30 GMT) ee Salerno, ayaa hadda la ciyaari doonaa Axadda isla waqtigaas.

Salernitana, oo wajahaya inay u laabato heerka saddexaad ee Talyaaniga ka dib markii ay ka soo dhacday Seria A 12 bilood ka hor, ayaa awoodi weyday in ay tababar qaadato Isniintii.

“Runtii aad ayaan uga naxay waxa ku dhacay iyo dhacdooyinka isdaba jooga ah ee halista ku ah Salernitana in ay gudato habsamida u socodka xilli ciyaareedkeeda, gaar ahaan wakhtiyadii u danbeeyey ee xilli ciyaareedka,” maamulaha kooxda Maurizio Milan ayaa sidaas yidhi.

“Ciyaartoy badan iyo shaqaale, hadda, xitaa ma awoodaan inay ka soo muuqdaan xarunta isboortiga si ay dib ugu bilaabaan tababarka.”

Salernitana ayaa sidoo kale ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo “sababaha dhacdadan baahsan ee halista ah”.