Daahfurka mashruuca Rejokaab: waa dedaaladda xukuumadda madaxweyne Cirro ee lagu kobciyo aqoonta farsamada gacanta iyo xirfadaha daโyarta Somaliland
ย Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Barnaamijka ay dhawaan Xukuumadda Somaliland daah-furtay ee Rejo Kaab ayaa ah mashruuc astaan u ah hal-abuurka cusub ee horumarineed ee ay qaadayso xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Mashruucan oo si ballaadhan u taabanaya seddex tiir oo muhiim u ah horumarka bulshada, oo kala ah kobcinta aqoonta Farsamada gacanta iyo xirfadaha, tayeynta macalimiinta, iyo daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, arrintaas oo muujinaysa in Somaliland ay qaaday bilawga jid cusub oo la xidhiidha dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya.
Tallaabadan ayaa u muuqata tiir ka mid ah dhiganayaasha taariikheed ee ugu miisanka culus dhinaca horumarinta bulshada, kaas oo ah mid lagu dhisayo mustaqbalka bulshada Somaliland gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka oo lagu tilmaamo in ay yihiin boqolkiiba 70 bulshada dalka. Waa tallaabo wax-ku-ool ah oo ka tarjumaysa jihada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu dalka u jihaynayo, taas oo ah horumarinta nolosha bulshada iyada oo la adeegsanayo aqoon, xirfad iyo adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Siyaasadda horumarineed ee uu dalka ku hagayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa ay si muuqata isugu dhafan tahay dhiirrigelinta aqoonta, tayeynta xirfadaha bulshada, iyo kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka. Munaasabaddii lagu saxeexay Mashruuca Rajo Kaaba waxa ay ahayd tallaabo muhiim ah oo ku dayasho mudan, taas oo salka ku haysa siyaasadda qaranka ee la xidhidha raacdaynta horumar waara iyo daryeel bulsho.
Sidoo klae Waxa bogaadin mudan doorka hoggaamineed ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Somaliland, gaar ahaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, kuwaas oo si cad u muujiyay u heelanaanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay u hayaan hirgelinta barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo aqoonta, xirfadda, iyo tayada waxbarashada dalka.
Kobcinta Xirfadaha Farsamada: Furaha Shaqo-abuurka Dhalinyarada
Dugsiyada Farsamada Gacanta ee Hargeysa iyo Burco waxa ay xuddun u yihiin qaybta ugu horreysa ee mashruucan Rejo Kaab, waxa diiradda lagu saarayaa manhaj casri ah, qalab waxbarasho oo tayaysan, iyo tababaro farsamo oo suuq-geyn kara himilada shaqo-abuurka daโyarta dalka, taas oo fure u noqon karta in dhalinyarada Somaliland laga saaro rajo-beelka shaqo laโaanta oo ay noqdaan xooggii dhaqaalaha qaranka.
Xukuumadda Cirro waxay si cad u muujisay in ay rabto in waxbarashadu noqoto mid la jaanqaadaysa dunida casriga ah, halkii ay ka ahayd mid ku eeg shahaado kaliya. Tani waa isbeddel istiraatiiji ah oo waqti fog laga faaโiidi doono.
- Tayeynta Macalimiinta: Halbeegga Tayada Waxbarashada.
Dugsiga Tababarka Macalimiinta wuxuu noqonayaa xarun muhiim u ah horumarinta waxbarashada Somaliland. Tababarrada lagu saleynayo hababka waxbarid ee casriga ah, maamulka fasalka, iyo horumarinta xirfadda macalinka waxay sare u qaadi doonaan tayada waxbarasho ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.
Macallinku waa laf-dhabarta horumarka, waxaana la arkaa in siyaasadda waxbarashada ee cusub ay si toos ah u wajahday baahida taagan ee kor u qaadista tayada macalinka oo ay muddaba sugayeen ardayda iyo bulshada.
- Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka: Daryeel loogu talagalay Mustaqbalka.
Qaybta kalkaalisada iyo umulisooyinka ee jaamacadaha Camuud, Burco, iyo Hargeysa waxay xuddun u tahay horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Isku xidhka xirfadlayaal caafimaad oo tababaran iyo adeegyo casri ah waxa uu si toos ah u saamayn doonaa dhimista dhimashada hooyada iyo dhallaanka, taas oo ah mid ka mid ah yoolalka horumarka waara ee caalamiga ah.
Kalsoonida Caalamiga ah: Bangiga Adduunka
Taageerada uu mashruucani ka helay Bangiga Adduunka waxay muujinaysaa kalsooni caalami ah oo lagu qabo hannaanka horumarineed ee Somaliland. Waa astaan cad oo muujinaysa in Somaliland ay kasbatay indhaha beesha caalamka