Xukuumadda Somaliland ee waxqabad iyo wadajir oo si weyn u xoojisay hufnaanta nidaamka dawladnimo iyo horumarinta qaranka jsl
Qore: Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Waxqabad iyo Wadajir ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si weyn u xoojinaysa hamigeeda ah in la dhiso nidaam dawladnimo oo casri ah, kaas oo horseedi kara isbeddel iyo horumar waara oo ka hirgala Somailand, gaar ahaan dhinacyada xidhiidhka arrimaha dibadda, dhaqaalaha, horumarinta iyo adeegyada bulshada iyo maamulka wanaagga.
Dedaallada socda ayaa si cad u muujinaya jihada cusub ee ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u qaadday horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo dadaalka aqoonsi raadinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda Waxqabad iyo Wadajir waxa ay si weyn u xoojisay ololaha aqoonsi raadinta, iyadoo si xeeladeysan uga faa’iidaysanaysa aasaaska xidhiidhka cusub ee dalka Qatar, si loo helo taageero caalami ah, gaar ahaan dalalka Carabta iyo dunida Muslimka.
Dhinaca kale, waxaa muuqata in xukuumaddu ay xoogga saarayso horumarinta arrimaha bulshada, samato-bbixinta xaaladaha degdegga ah iyo maareynta masiibooyinka dabiciiga ah ee ka dhaca deegaannada dalka, taas oo ka tarjumaysa ahmiyadda weyn ee Madaxweyne Cirro siinayo wax ka qabashada iyo daryeelka arrimaha deegaanka, kuwaas oo uu u arko in ay laf-dhabar u yihiin nolosha bulshada iyo qaranka guud ahaan.
Waxaa sidoo kale muuqata in xukuumadda Somaliland, muddadii yarayd ee ay jirtay, ay tacab iyo dedaal badan ku bixisay horumarinta iyo xoojinta arrimaha amniga, maareynta masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta dhaqaalaha iyo dakhliga, siyaasadda, iyo xoojinta diblumaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhammaan qodobadan aynu ku soo bandhignay warbixinteena waxaa daliil cad u ah Fadhigii 25-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee 03/07/2025 uu shir-guddoomiyayay madaxweynaha Somaliland, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo muhiimad u leh qarannimada Somaliland, sida siyaasadda, diblomaasiyadda, amniga, dhaqaalaha, deegaanka, iyo waxbarashada. Fadhigan ayaa muujinaya firfircoonida Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto dejinta siyaasado wax-ku-ool ah oo u adeegaysa danaha qaranka.
Gunaanad:
Fadhigan Golaha Wasiirrada Somaliland waxa uu marag-fur u yahay in uu jiro isbeddel muuqda oo ay xukuumadda Somaliland ku maaraynayso danaha qaranka, gaar ahaan dhanka xidhiidhka caalamiga ah, xasilinta gudaha iyo la tacaalidda dhibaatooyinka deegaanka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa u muuqdaa hoggaamiye ay ka go’antahay dhisidda iyo taabo-gelinta hannaan dawladnimo oo casri ah, taas oo ku dhisan qorshe iyo ahdaaf cad, kuna salaysan xisaabtan iyo firfircooni. Sidaa darted shacabka reer Somaliland ayaa looga baahanyahay in ay si dhow xukuumadda ugu taageeraan waxqabad muuqda.