Xukuumadda JSL oo horumar muuqda ka hirgelisay xarunta ganacsiga ee dalka”
“Berbera oo laga hirgeliyay mashaariic u diyaarinaya koboc dhaqaale iyo maalgashi caalami ah”
Berbera (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariic horumarineed oo door weyn ka qaadanaya horumarka, bilicda, adeegyada dadweynaha iyo koboca dhaqaalaha magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ballaadhinta Korontada, Waddooyin cusub oo casri ah, goobo dalxiis iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha magaalada.
Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, waxa uu daahfuray mashaariic istaraatiiji ah oo ay ka mid yihiin: Mashruuca ballaadhinta korontada Berbera oo ka kooban 5MW PV Solar iyo gudbinta korontada 33KV (11.2 km), kaas oo wax weyn ka taraya adeegga tamarta iyo koboca dhaqaalaha gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera. Mashruucan istaraatiijiga ah ayaa xaqiijinaya helitaanka koronto jaban, joogto ah oo la isku hallayn karo, taas oo laf-dhabar u ah maalgashiga, warshadaha, adeegyada bulshada iyo shaqo-abuurka. Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucani kor u qaadayo horumarka ka socda Berbera kaas oo magaalada ka dhigaya mid la jaanqaadi karta magaalooyinka casriga ah ee dunida iyo gobolka.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu xadhigga ka jaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyey magaalada Berbera, kuwaasi oo ah jidad ay si casri ah u dhistay dawladda hoose ee Berbera, kuwaas oo fududaynaya isu socodka gaadiidka iyo bulshada ku dhaqan degmada, korna u qaadaya ganacsiga iyo isku xidhka xaafadaha kala duwan ee magaalada Berbera.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa kale oo uu xadhigga ka jaray mashruuca Cigaal Park, oo ah goob casri ah oo loogu talagalay nasashada iyo isu imaatinka bulshada, kana qayb qaadanaysa dalxiiska iyo bilicda magaalada. Sidoo kale waxa uu daah-furay dhismaha cusub ee Dawladda Hoose ee Berbera, oo ah xarun shaqo oo casri ah oo xoojinaysa adeeg bixinta, hufnaanta maamulka iyo dawlad-wanaagga degmada. Mashaariicda ay hashaariicdan ay hirgelisay Dawladda Hoose ayaa si cad u muujinaya himilada maamulka degmada ee ku wajahan horumaka, isla markaana ka tarjumaya wada-shaqayn hufan ee u dhaxaysa xukuumadda dhexe iyo maamulka maxalliga ah.
Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey sida ay u dammaanad qaadeen adeegyada bulshada ee waxbarashada iyo caafimaadka Degmada Berbera. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey dadaalkooda horumarineed, isaga oo xusay in ay Xukuumaddu sii labanlaabi doonto taageerada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee gobollada dalka.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafeed rasmi ah oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo si faahfaahsan u soo bandhigaya mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay magaalada Berbera. Warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, isaga oo dhammaystiran waxa uu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Berbera, halkaasi oo uu si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariic horumarineed oo door weyn ka qaadanaya horumarka, bilicda, adeegyada iyo koboca dhaqaalaha magaalada Berbera.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray waddooyin kala duwan oo cusub oo laga hirgeliyey magaalada Berbera, kuwaasi oo fududaynaya isu socodka, korna u qaadaya ganacsiga iyo isku xidhka xaafadaha kala duwan ee magaalada Berbera.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhigga jaray Cigaal Park, oo ah goob casri ah oo loogu talagalay nasashada iyo isu imaatinka bulshada, taasi oo kor u qaadaysa bilicda magaalada isla markaana abuuraysa jawi dalxiis iyo mid nololeed oo ku habboon horumarka bulshada reer Berbera.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu Daah-furay dhismaha cusub ee Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera, oo ah Xarun shaqo oo casri ah, taasi oo xoojinaysa adeeg bixinta iyo hufnaanta maamulka Degmada. Dhismahan cusub ayaa ah mid u taagan oo ka tarjumaya tallaabo muuqata oo loo qaaday dhinaca Dawlad Wanaagga iyo horumarinta Hay’adaha Dawliga ah.
Mashaariicdan oo ay dhammaantood hirgelisay Dawladda Hoose ee Berbera, ayaa muujinaya kartida iyo himilada maamulka degmada ee ku wajahan horumar waara, isla markaana ka tarjumaya wada shaqayn midho-dhal ah oo u dhaxaysa xukuumadda dhexe iyo maamulka maxalliga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey sida ay u dammaanad qaadeen adeegyada bulshada ee waxbarashada iyo caafimaadka Degmada Berbera. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey dadaalkooda, isaga oo xusay in ay Xukuumaddu sii labanlaabi doonto taageerada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee gobollada dalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray Mashruuca Ballaadhinta Korontada Magaalada Berbera. Mashruucan oo ah mid istiraatiiji ah, waxa uu wax weyn ka tarayaa adeegga tamarta iyo koboca dhaqaalaha ee guud ahaan Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.
Mashruuca ballaadhinta korontada Berbera (5WP PV Solar iyo Gudbinta Korontada 33KV –11.2 km) ayaa waxa uu si rasmi ah u xaqiijinayaa fulinta ballan-qaadkii Madaxweynaha JSL ee ahaa in bulshada reer Berbera ay helaan adeeg koronto oo jaban, joogto ah oo la isku hallayn karo, isla markaana daboolaya baahida sii kordhaysa ee magaalada Berbera, oo ah halbowlaha ganacsiga dalka.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in koronto la isku hallayn karo ay laf-dhabar u tahay maalgashiga, warshadaha, adeegyada bulshada iyo shaqo-abuurka. Mashruucan waxa uu ka mid yahay qorshaha guud ee ay Xukuumaddu ku tayaynayso kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka istiraatiijiga ah, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka waara.
Xadhig-ka-jarka Mashruuca Ballaadhinta Korontada Berbera (5WP PV Solar iyo Gudbinta Korontada 33KV (11.2 km) waxa uu astaan u yahay Madaxweyne ay himiladiisu tahay Wadajir iyo Waxqabad oo muujiyey karti iyo daacadnimo.”





















