“Is-afgarad laga gaadhay arrimihii farsamo ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha”
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay iskugu yeedhay kulan dhexdhexaadin ah oo u dhexeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) iyo Xisbiga KAAH, si xal looga gaadho murankii ka dhashay go’aankii uu soo saaray Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee la xidhiidhay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, gaar ahaan dookhii (option) tirada goobaha diiwaangelinta, kaasi oo sababay in Xisbiga KAAH uu hakiyo wadashaqayntii uu la lahaa Guddida Doorashooyinka.
Wada hadal iyo dhexdhexaadin dheer oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kaddib, labada dhinac waxa ay si rasmi ah u soo af-jareen kala-aragti duwanaanshihii u dhexeeyey, waxaanay ay si wadajir ah ugu mahadnaqeen Madaxweynaha JSL iyaga oo ku boggaadiyay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay isu soo dhaweynta Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL iyo Xisbiga KAAH.
Haddaba, si loo sii amba-qaado hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Axsaabta Siyaasadda, labada dhinac waxa ay isla qaateen qodobbadan soo socda:
- In si rasmi ah dib loogu soo celiyo wadashaqayntii u dhexeysay Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL iyo Xisbiga KAAH.
- In arrimaha farsamo ee salka u ahaa is-mari-waaga labada dhinac ay si firfircoon uga wada shaqeeyaan guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac.
- Si loo sii ambaqaado dhamaystirka arrimaha weli qabyada ah; in labada dhinac ay isugu yimaaddaan kulan kale, marka laga soo gudbo Ciidul-Fitriga.
Tallaabadan geesinimada ah ee uu qaaday Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirri waxa ay si cad u muujinaysaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay dhaqan togan oo soo jireen ah oo ku dhisan in murannada Siyaasiga ah lagu xalliyo wada-hadal, isu tanaasul iyo in aan xalka laga raadin dibedda, balse xalku uu ka dhex abuurmo gudaha dalka.




















