Ma Seexdo Indhaha Ayuu Nasiya
Marar badan ayaa sawiro laga qaaday madaxweynihii hore ee dalka Simbaabwi Mr.Robert Mugabe isagoo shirar ku jiraa laakiin ku seexday oo gam’ay.
Markii arinkaasi u uku batay hadal haynta bulshada, ayay Khasab noqotay in Xafiiska madaxwyenaha oo arintaasi jawaab ka bixiyo.
Xafiiska ayaa soo qoraalkan :” Madaxweynuhu ma seexdo, laakiin mararka qaarkood Indhaha ayuu nasiya”.
Weedhahaasi ayay bulshadu ka dhigteen kaftan joogto oo baraha bulshada kuwad isticmaalaan oo “ hebel indhaha ayuu nasiyay”, marka qofku goob muhiim uu ku seexdo ama marka qofku hurdada ku raago.























