Madaxweyne Xi Jinping ma waxa uu iska nadiifinaya kuwa xilka kula loolamaya?

0
108

Shiinaha ayaa liiska sharci-dejiyayaasha ka saaray 19 sarkaal, oo ay ku jiraan sagaal ka tirsan militariga, ka hor kulanka siyaasadeed ee sanadlaha ah ee ugu weyn toddobaadka soo socda.

Xil ka qaadista waxaa ku dhawaaqay hay’adda ugu sarreysa ee sharci-dejinta dalka, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka (NPC).

Lama sheegin sabab rasmi ah oo xilka looga qaaday, laakiin waxay timid toddobaadyo uun ka dib markii Madaxweyne Xi Jinping uu xilkii ka qaaday Zhang Youxia, oo ahaa jeneraalkiisii ​​ugu sarreeyay isla markaana ahaa mid ka mid ah xulafadiisa militariga ee ugu dhow.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay, Xi wuxuu bilaabay mowjado olole ka dhan ah musuqmaasuqa, isaga oo musuqmaasuqa ugu yeedhay “khatarta ugu weyn” ee Xisbiga Shuuciga. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in xilka qaadista loo isticmaalay qalab lagu nadiifiyo kuwa siyaasadda kula loolamaya.

Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay warbaahinta dowladda, dadka xilka laga qaaday waxaa ka mid ah Li Qiaoming, taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoreynta Dadka (PLA) iyo Shen Jinlong, oo ahaa taliyihii hore ee Ciidanka Badda ee PLA.

Sidoo kale liiska waxaa ku jiray dhowr sarkaal oo kale oo militari ah iyo tiro ka mid ah saraakiisha gobolka oo ay ku jirto Sun Shaochong, oo ah madaxii hore ee xisbiga ee gobolka Inner Mongolia.

Zhang oo ahaa taliyihii Milateriga ayaa laga qaaday xilkiisii, ka dib markii lagu eedeeyay “xadgudubyo halis ah oo ku saabsan anshaxa iyo sharciga” – oo badanaa ah ereyo la macno ah musuqmaasuq.

Waa olole taxane ah oo lagu tirtirayo shaqsiyaadka caanka ah ee militariga sannadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan howlgalkii Oktoobar 2025 kaas oo sagaal jeneraal oo sare laga qaaday jagooyinkoodii. Mas’uuliyiintii xilligaas waxay sheegeen in nadiifinta ay qayb ka ahayd olole ka dhan ah musuqmaasuqa.

Xi wuxuu dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa ka dhigay tiir dhexe oo xukunkiisa ah isaga oo ka bilaabaya ololaha “shabeellada iyo duqsiga” ee ka dhanka ah musuqmaasuqa oo bartilmaameedsanaya mas’uuliyiinta heerka sare iyo kuwa heerka hoose, kaas oo la bilaabay wax yar ka dib markii uu xukunka la wareegay 2013.

Dhawaan ayuu sheegay in dagaalku “uu weli yahay mid aad u daran oo adag”.

 

Kumanaan ergo ah ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda u dareeraan caasimadda Beijing si ay uga qayb galaan Labada Kalfadhi. Kuwaasi waa- shirarka sanadlaha ah ee NPC, oo ah sharci-dejinta Shiinaha, iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee Dadka Shiinaha oo ah hay’adda ugu sarreysa ee la-talinta siyaasadda ee dalka.

Labada Kalfadhi waxay socon doonaan laga bilaabo 4-ta Maarso ilaa 11-keeda, waxaana dowladdu ku dhawaaqi doontaa qorshaheeda shanta sano ah, halkaas oo ay ku qeexayso yoolalka siyaasadeed ee muhiimka ah, iyo bartilmaameedyada dhaqaale ee sanadlaha ah.