Qaxooti indho la’aan ah oo aan ku hadlin afka Ingiriisiga oo ka yimid Myanmar ayaa meydkiisa laga helay waqooyiga New York ka dib markii laga sii daayay xabsiga socdaalka federaalka.
Nurul Amin Shah Alam ayaa meydkiisa laga helay Salaasadii, maalmo ka dib markii Hay’adda Ilaalinta Xuduudaha iyo Kastamka Maraykanka (CBP) ay ku dejisay dukaan qaxwo oo masaafad dheer u jira gurigiisa oo ku yaal Buffalo, halkaas oo heerkulka qabowgu uu ka hooseeyay barafka.
Duqa magaalada Buffalo Sean Ryan ayaa geerida Shah Alam ku tilmaamay “mid aad looga naxo” wuxuuna ku baaqay in baadhitaan la sameeyo.
Waaxda Amniga Gudaha, oo maamusha CBP, ayaa sheegtay in ninku uu aqbalay safar sharafeed oo uu ku tagay dukaanka isla markaana aanu muujin “wax calaamado ah oo muujinaya dhibaato, arrimo dhaqdhaqaaq, ama naafonimo u baahan gargaar gaar ah” markii la dejiyay.
Wargeyska Washington Post ayaa soo dhigay muuqaal laga duubay bannaanka dukaanka qaxwada ee Tim Horton halkaas oo loo malaynayo in laga soo dejiyay. 19-kii Febraayo, waxa muuqaalku muujinayaa Shah Alam oo lugaynaya oo aan gudaha u gelin. Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in la duubay ka dib markii makhaayadda la xidhay.
Dukaanka ayaa la xidhaa 19:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah, sida ku cad saacadaha la soo dhigay. Wararka cimilada ee habeenkaas ayaa muujinaya in heerkulka la saadaaliyay qiyaastii 36F (2.2C)
Sababta geerida Shah Alam lama shaacin, Waaxda Booliska ee Buffalo ayaana baadhaysa waxa ku dhacay 56-jirkan.
Waxaa meydkiisa laga helay 24-kii Febraayo, meel ku dhow 6 mayl (9.7km) u jirta dukaanka qaxwada, sida ay sheegeen booliiska Buffalo.
Qof jidka marayay ayaa wacay lambarka 911 si uu u soo sheego inuu arkay nin u muuqda in aanu dhaqaaqayn ama neefsanayn.
Ka hor geeridiisa, Shah Alam wuxuu ku jiray xabsiga booliiska maxalliga ah ku dhawaad hal sano dacwado weerar iyo hub ah oo la xidhiidhay dhacdo ay ku dhaawacmeen laba sarkaal oo booliis ah, sida ay sheegeen booliisku. Waxaa lagu sii daayay dammaanad ka dib markii uu gaadhay heshiis qirasho ah, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in CBP ay ka sii daysay xabsigooda ka dib markii ay ogaatay inuu qaxooti ahaan ku soo galay Maraykanka oo aan si sharci ah loogu masaafurin karin.
Qoyska Shah Alam ayaa sheegay in aan lagu wargelin goorta iyo meesha laga soo dejiyay Shah Alam.
Shir jaraa’id oo uu qabtay, Duqa Magaalada Ryan wuxuu ku sheegay in Ciidanka Ilaalada Xuduudaha, DHS iyo Hay’adda Socdaalka iyo Fulinta Canshuuraha (ICE) “aanay garanayn waxay samaynayaan” wuxuuna soo bandhigay warbixin kooban oo ku saabsan waxa ku dhacay qaxootiga, kaas oo la sheegay inuu soo galay Maraykanka bishii Diseembar 2024.
“Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha miyaanay lahayn habraac ku saabsan waxa ay ka yeelayaan ninka naafada ah ee aan ku hadlin Ingiriisiga, kaas oo wareersan oo lumaya,” sidaa waxa yidhi. Mid ka mid ah carruurta Shah Alam, oo lagu magacaabo Mohamad Faisal. “Ma ogtahay waxay sameeyeen? Waxay ku tuureen dukaan qaxwo oo xidhan.”
Ayuu ku yidhi farriin qoraal ah oo uu u diray Reuters isaga oo sheegay in qoyskooda aan lagu wargelin sii deyntiisa iyo halka la geeyey.
“Qofna iima sheegin aniga ama qoyskayga ama qareenkayga meesha aabbahay laga soo dejiyay,” Faisal ayaa u sheegay Reuters.
Wuxuu sheegay in xadhiga aabihiis sannadkii hore uu sabab u ahaa isfaham la’aan uu la galay saraakiisha booliiska. Wuxuu sheegay in Aabihii uu isticmaalayay usha cad ee socodka. Shah Alam, oo aan ku hadlin Ingiriisiga, ma fahmi karin amarrada booliiska ayuu yidhi Faisal.
Qoyska Shah Alam ayaa ah qaxootiga Arakan Rohingya ah, mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa hadda codsanaya in baadhitaan lagu sameeyo geerida Shah Alam.
Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James ayaa sheegtay in xafiiskeedu “uu dib u eegis ku sameynayo fursadaha sharci ee naga banaan”.
“Nurul Amin Shah Alam wuxuu ka cararay xasuuqii wuxuuna dalkan u yimid isaga oo raadinaya badbaado iyo fursad”. “Taa beddelkeeda, noloshiisa si murugo leh ayaa loo soo gaabiyay. Qof kasta oo halkan yimaada isagoo raadinaya magangelyo waa in aan lagu dayn meel khatar ah.” ayay ku tidhi hadal ay soo saartay Letitia James.






















